1) kadib 1887 markii Herar oo aheyd caasimadii boqortooyadii Adal uu qabsadey boqor menelik oo garabsanaya gumeystihii talyaaniga , kumuu joogin intaase tixraac waxa uu ogaadey Herar waxa ay caasimad ku aheyd in ay tahay Saylac iyo baahida uu u qabo in bad in uu hello , isla 1891 waxa uu soo bandhigay boqorku ( map ) kii hore ee boqortooyadii ADAL kaasi oo uu boqor menelik ku andacoodey in ay ka mid aheyd dhulka itoobiya , hayeeshee isaga iyo talyaaniba ay ka yara gabanayeen gumeystihii ingiriiska, sababtoo ah xasuusta hishiiskii baarliin ayaa sii qoyaneyd.
2) 1897 Dawlada Britain ayaa u ogolaatay boqor menelik isticmaalka dekada saylac si uu ugala soo dego hub iyo agabka dalkiisu u baahanyhay, Sannad uun kadib markii gumeystihii talyaaniga itoobiya jabisay , mar uu booqasho ku yimi dublamaasi sare Rennel Rodd oo ahaa xoghayihii ingiriiska masar wakiil uga ahaa; iyada oo uu boqor menelik isla markiiba u sharaxay sarkaalka u yimi baahida uu u qabo in uu hello saylac isaga oo marmarsiiyo ka dhigtay baqasho uu ka qabo weerar uu ku soo qaado mahdiga suudaan ee xornimo doonka ah. ( xogtan waxa aad ka helli kartaa buuga ( Modern History of Somalia : by I.M.Lewis ).
3) Hishiisyadii Anglo –Ethiopian ka ahaa ee dhacay 1942-1944 ayaa dhigayey abaal celin ingiriisku u balan-qaadey Ethiopia xilligii xulafadu geeska afrika ka saareysay talyaaniga , balse dhanka Ethiopia waxa mudnaan weyn u aheyd helida dekada saylac taa badelkeeda ingiriisku waxa uu ku qaboojiyey itoobiya bixintii ( Haud and Reserve Area) muhiimada ay leedahay saylac darteed ayaa udub dhexaad u ahaa dhamaan dagaaladii iyo isriix-riixii bariga afrika ka socday ee xataa 7 bilood talyaanigu 1941 ku qabsadey Saylac, Borama illaa taalada cumar kujoog.
4) juquraafi ahaan maabka iyo xuduuda caalamiga ah meel kasta oo Gobolka Awdal ka mid ah dhanka xeebaha ( biyaha bada Awdal ayaa ethiopia ugu dhow) marka laga qiyaas qaato fogaanta badka dhulka magaalooyinka Somaliland ee xadka itoobiya ku yaal ; tusaale ahaan ( Borama to Lughaya= 118 km, Xariirad to saylac = 150 km) iyada oo waliba meesha kale ee itoobiya biyaha bada ugu soo dhaw tahay xarunta gobolka saaxil ee barbera ( Berbera to wajaale = 250 km).
5) mar-kale sida maabka xuduudaha Somaliland iyo Ethiopia iyo waliba barta ay ku yaalaan magaalooyinka ugu muhiimsan 2dan dal ( ma jirto Xeeb uga dhow xeebaha gobolada Awdal iyo Salal xataa Djabuuti wey uga dhawyihiin Ethiopia waliba gaar ahaan Xarunta Caasimada itoobiya Adis ababa , xarunta dawlad deegaanka soomaalida itoobiya ee jigjiga iyo xarunta guud ee ganacsiga itoobiya Diri-dhaba) marka laga qiyaas qaato fogaanta badka dhulka xuduuda itoobiya inta ay biyaha bada u jiraan Somalia iyo Somaliland.

Gunaanad iyo gabogabo:
Guud ahaan Awdal iyo xeebaheedu maaha Ethiopia waa Somaliland , waxase muhiim ah in dawlada Somaliland aaney indhaha ka qarsanin xeebta saylac ama Lughaya ee ugu mudan in Ethiopia maal-gashato maadaama ay yihiin xeebaha ugu munaasibsan, ugu dhaw itoobiya, isla markaana kaabiga u saaran maagaalo ganacsiyeedka guud ee itoobiya Diri-dhaba iyo waliba magaalooyinka khalqiga ugu badan ku noolyihiin ee Addisaba iyo Jigjiga.
Meel-kasta oo Somaliland ah oo la maal-galiyo dawlada cashuur baa ka soo galeysa ma haboona kala jeclaysiga xeebaha ee ku dhisan aragtiyaha guracan , shaadh waliba aniguu igu wanaagsanyahay war maaha dalka fursadaha ha loo qaybiyo, ma ihi mucaarad Somaliland dadkeeda iyo dalkeeda intaba waan jeclahay; intanina kaliya waxa ay xisaabsantahay murtidii aheyd: ( sida cadawga u xisaabtama sida wallaalahana wax isku siiya ).

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar[email protected]
[email protected]
Regional political analysts

12/19/2018