Waxay ahayd waqtigii uu socday ololihii horumarinta reer miyiga waxaa sida la ogyahay la geeyey degaamada dalweynihii soomaaliya oo dhan macalimiin ama barayaal ka hawl gala degaanka u dhexeeya arooseel iyo boon waxaa jooga laba bare oo ka hawlgala waxaana degaaankaas soo mara wadada ka timaada jabuuti ee tegta borama subax ayuuu BOO AMA DUUJI ka dhacay gaadhi ka yimiday jabuuti una socday boorame ,booga amaduujigu wuxuu lahaa dheg la qabto,waxaa heshay gabadh adhi eegaysay ,waxaana durba maskaxdeeda ku soo dhacay in weelkan quruxda badani moodhadhada kaga dhacay meesha magaaladuna wax ku cunto,markay galabtii adhigii hoysay ayey maydhay weelkii ay soo heshay dabadeedna halkii xeedhadii galisay oo ay intay hadhuudh iyocaano ka buuxisay labo fandhaala ku taagtay ayey macalimiintii oo golaha fadhida hadhimadii oo BOOGII AMA DUUJIGII kujirta u gaysay.
Macalimiintii oo aragtay inayna inantu aqoon ulahayn duujiga ama booga ayaa waydiiyey halka ay weelkan ku cusub iyaga ka keentay gabadhii ayaa tidhi ma weel xunbaa macalimiintii ayaa ku tidhi maya maaha weel xune xageed ka keentay waxay tidhi waxaan ka soo helay daw moodhadhka waxayna sii raacisay gabadhii waxaanu malaynayaa inuu kadhacay moodhadhadii jabuuti ,macalimiintii ayaa ku tidhi bal aabo u yeedh inuu isna weelkan arkay ka dib markii aabahed yimiday wuxuu sheegay inaanu weligii arkin ka dib ayey macalimiintii u sheegtay in weelkan ay reer magaalku caruurtooda xaarka kaga hooriyaan una yaqaanaan BOO odaygii iyo inantiiba raali galin ayey macalimiintii siiyeen iyagoo ka qaaday weelkii intay meel cuntadii kaga shaydhiyeen solo sudhay,subaxii ayuu odaygii caroog qaatay isagoo isugu yeedhay dhamaan indheergaradkii isla markaana ay tuseen Boogii solada sudhnaa bal inay arkeen weligood magac uu leeyahayna maqleen ,markii la waayey cid horay u aragtay una maqashay ayuuu odaygii yidhi waxan sida macalimiitu ii sheegeen magaalada ayaa Xaarka ubadka ku hoorisa marka si aynaan wax ugu cunindadkeenu waxaas nijaaasta ah nin dhalinyar ah ayeynu sahay siinaynaa si uu u soo baro degaamadeena oo ayna ugu lugi,in sidii ay la yeelay iyadoo ninkii hangool u sudhay dhegtii isla markaana uu sidii ku soo mariyey weelkii (BOOGII) degaamadii beesha iyadoo lagu gubay (BOOGII) caagii goobtii ugu danbaysay degaamadii ex madaxweyne riyaale ,reer miyigeenu waxay ahaayeen welina yihiin kuwo koronsada aqoonta isla markaana xaliya dhibaatooyinka marba nolosha kala soo darsa kkkk