Waxa xarunta Jaamacadda Eelo ee magaalada Borama si habsami ah uga socda waxbarashadii takhasusaadka heerka labaad ee Mastar-ta ee sanad wax barasheedka 2018/2019.

Dufcada sanadkan ay waxbarashadu u bilaabantay ayaa waxa ay tahay dufcadii 3aad, kuwaas oo ardayda tirade badan ee casharadu ay u bilaabmeen ay yihiin kuwo hiigsanaya qaadashada Shahaadada heerka labaad ee Mastarta ee takhasusaadyo dhawr ah oo Jaamacada Eelo ay bixiso.

Kusimaha Gudoomiyaha Jaamacadda Eelo Prof. Cabdulle Axmed Faarax ayaa warbixiyay sida ay cashadadu u socdaan iyo noocyada takhasusaadyada kala duwan ah ee ay Jaamacaddu bixiso

“Jaamacadda Eelo oo looga bartay in bacda cilmul-daalibka ah ay ka haqab tirto baahida ay u qabaan waxbarashada ayaa waxa sanad waxbarasheedkan 2018/2019 ay dufcadii 3aad si habsami ah u wadaan qaadashada casharadii loogu talo galay takhasusaadyadooda oo ay bixinayaan macalimiin Ajinabi ah oo haysta shahaadooyin heerkoodu sareeyo”

Isaga oo hadalka sii wata ayaa Prof. Cabdulle waxa uu yidhi “Takhasusaadka sanadkan ay bixinayso Jaamacadda Eelo ayaa waxa ay kala yihiin Master of Project Management and Planning, Master of International Relation and Diplomacy iyo sidoo kale Mastar of Conflict Transformation, waxana aan ugu baaqayaa in ardayda kale ee wali hadhsan ee jecel in ay diyaariyaan

Takhasusaadyadan aan soo xusnay ee shahaadada heerka labaad ah in ay soo gaadhaan Jaamacadda Eelo si ay isku diiwaangaliyaan, iyada oo ay Balanta Jaamacadda Eelo tahay in ay bixiso culuun heerkeedu sareeyo oo la jaanqaadaysa dunida Casriga ah