London(SBN)xaflad dhalinyarada ka soo jeeda gobolada galbeedka somaliland oo ujeedkeedu ahaa inay ka qayb galaan xaflad lagu soo dhaweeyey Madaxweynaha ku xigeenka Somaliland c.raxmaan cabdilaahi saylici oo ka dhacaysay galbeedka Magaalada London ayaa laga horjoogsaday inay galaan kadib markii dhalinyarada loo sheegay in ay xafladu tahay xaflad u gaar ah Beesha madaxwayne Xigeenka Kaliya sidaa darteed ay Raali ahaadaan loona sheegay inay ka soo jeedaan beelaha aan ahayn beesha M/kuxigeenka Somaliland ee Maxamed case.
Dhalinyarada oo aan qaarkood la kulanay ayaa noo sheegay sobobta looga horjoogsaday,waxay intooda badan aad uga xumaadeen sida loola macaamilay ,hadaladoodina waxaa kamid ahaa”waxay nagu noqotay filanwaa iyo afkala qaad”dhalinyarada ayaa intooda badani xubno ka yihiin xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE.

Dhalinyarada ayaa iyaga tiradooda ahayd 25-20 Horana loogu sii sheegay inay soo qaataan lacagta cuntada Huteelka jeebkana kusoo qaataa 20 Pound iyaga iyo lacatoodiina lasoo celiyay

Subulahanews