Wararka nagasoo gaadhaya xadka udhaxeeya Dalalka Itoobiya iyo Suudan ayaa sheegaya in dowlada Suudaan bilowday celinta dadkii Qowmiyada tigrayga kasoo jeeday ee gobolka Amxarada gaar ahaan Magaalada Metema kasoo qaxay.Dowlada Suudan ayaa sheegtay inay dadkan ucelin hayso Gobolka Tigrayga oo ay dad ahaan kasoo jeedaan, waxayna dowlada Suudaan sheegtay inay maanta celiyeen qaybtii labaad oo 360 qof ka kooban.

Qaxootigan Tigrayga aha ayaa kasoo qaxay magalada Metema ee gobolka Amxarada oo ay deegaan ahaan kasoo jeedaan.

Guud ahaanba  Wadanka Itoobiya Waxaa kasocda Dagaalo udhaxeeya qomiyadaha kaladuwan ee Itoobiya Lamana oga meesha waxkudanbayn doono.