Lowyacado (SBN)Badhasaabka Gobolka Salal Mawliid Maxamed Nuur oo ay weheliyaan Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti, Taliyaha Laanta socdaalka Gobolka Salal iyo Taliyaha Booliska Lowyacado ayaa waxa ay ka hadleen Agaasimaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya oo safar ku yimi Magaalada Lowyacado.