Jijiga (SBN)Waxaa Maanta Albaadada laiskugu dhuftay Shirkada Casriga ah (Falcon) Xafiiskeeda oo dhan kuna kala yaala dhamaan Kililka kan ugu waynina ku yaako Jijiga shirkadu waxay leedahay basaska u kala goosha dhamaan dalka Ehiopia gaar ahaan kuwa taga CaasimadavAddis Ababa waxaana shirkada xidhay wixii agab ah ee yaalayna qaatay Xafiisyada madaxda Kililka sobobo aan wali la sheegin inkasta oo warar qaar sheegayaan in lagu eedeeyay ururka Oramada ee ku kacsan Madaxwayne iley lsguna magacaabo ONAG waxaana ku banjarsan degmooyin badan oo deegaanka kuyaala 1200 oo musaafur oo boorsooyinkoodii lagula tagay basaskii Falcon ee maanta la xidhay Waxaa sidoo kale galabta la bililiqaystey Kaalin shidaal oo Qabridahara kutaal iyo bakhaaro qalabka dhismaha lagu gado kuna yaala degmooyinka Qabridahara iyo dhagaxbuur.

Hantidan ayaa dhamaan waxaa leh ganacsato isu tagtey una dhalatey gobalada Dhagaxbuur, Qabridahar, Godey iyo Nogob. Waxaana masuul ka ah C/raxmaan sheekh Saahid.