Dharwanaaje(SBN)Wararka ka imanaya dagaamada Harawo ayaa waxa ay sheegeen in dadwaynuhu ay kasoo horjeesteen inay bixiyaan ama soo ururiyaan Geel lagu qali doono shir uu madaxwaynaha kililku iclaamiyay inuu ka dhici doono Harawo lana soo ururiyo Gerl gaadhaya 200 Taas oo dadku ku gacan saydheen in madaxwayne dhulkoodii ka eexday u qalaan geel sooryo ah lama garan karo in la baajin doono shirka mar hadii la diiday iyo in dawladu iska bixin doonto

Dhinaca kale waxaa shir balaadhan magaalada Harar uga bilaabmay Beelaha Samaroon,Ciise,Akisho iyo Oramada kaas oo ay kaga wada hadlayaan beelaha ood wadaagta ahi iskaga kaashan lahaayeen wada shaqayntooda iyo Horumarka iyo Maamulkaba wixii carqaladaynayana dhinac uga soo wada jeestaan

Wixii go,aamo ah ee shirkan kasoo baxa nala socda