Dharwanaaje(SBN)Wararka aan ka helayno dagaamada Harawo ayaa sheegaya in Wakhti xaadirkan xaaladu dagan tahay dhamaan dagaankana lagu soo daad gureeyay ciidamo fara badan oon lagara naynin  Sobobta hadaan laga tagin kacdoonada ka jira qaar ka mid ah kililka. Iyo kuwii ka dhacay dagaanka

Wararka kale ee naga soo gaadhaya magaalada Dharwanaaje ayaa sheegaya in xilkii laga qaaday masuulkii Kufsiga ka gaystay dagmada waxaana uu ahaa sargaal sare oo madax xafiiseed ah waxaana sida lanoo soo sheegay lagu riday xukun dheer halka dhibaniina lagu dabiibayo cusbitaalka Jijiga

Arintaas oo sababtay kacdoon dadwayne iikuna dhaceen maamulka iyo dadwaynuhu iyada oo aad hada moodo inay dadku wax soo fahmayaan dhibtoodana ka hadli karaan

Kadib markii Warbaahiya Subulshanews uu culays saaray inuu warar xaqiiqda ku fadhiya ay kasoo bandhigaan dawlada ayaa waxaa soo baxaayo inay dadku xidhiidh nala soo sameeyaan si aan ugu baahino dhibtooda  Anaguna waxaan idiin balan qaadaynaa wixii warar ee xaqiiqda ah inaan idiin soo bandhigi doono Masuulkan hada xilka laga qaaday lana xukumay ayaa laga daalacday boga subulaha