Addisababa(SBN)Mudo ka yar hal sano waxaa culimada sayniska ee dalkaasi ethiopia diyaar u yihiin in ay hawada sare u diraan dayax gacmeedkii ugu horeeyey ee dalkaasi yeesho, dalka shiinaha ayaa ka caawinaaya oo suurto galinaaya riyada culimada sayniska dalkaasi ethiopia ay mudo ku maalin riyoonayeen oo soo bilaabantay sandkii 2016.

Dayax gacmeedkan ayey la sheegay in ay ku baxayso lacag dhan $8 millan oo dollar , lacagtaasi oo $6 Millyan ay bixinayso dawlada shiinaha.

dayaxgacmeedka ayaa lagu sheegay in uu noqonaaya mid dawaafa/wareega oo cilmi baadhis ku sameeya dhulka iyo meerayaasha.

Madaxa hayada sayniska iyo cilmi baadhista(Technology Institute (ESSTI)  ee Jaamacada Addis ababa Mudane Belay Tessema ayaa sheegay in sanadka 2019 ay dirayaan dayax gacmeedkan , kani oo noqon doono kii ugu horeeyey ee dal ku yaala geeska afrika dirsado .

Dayax gacmeedka ayaa xarunta laga dirayaa noqon doontaa dalkaasi shiinaha , halka goobta laga maamulaayo noqon doonto dalka ethiopia.

Dayax gacmeedka ayaa lagu sheegay in uu wax ka qaban doono , hawlaha cilmi baadhiseed ee cimilada iyo degaanka

 

 

Addis ababa

Subulaha.com