Jijiga(SBN)Ugaaska guud ee beelaha Samaroon uggaas C/Rashiid ugaas Rooble ugaas Doodi ayaa maanta gaadhay caasimada kililka5aad ee Jijiga halkaas si wayn loogu soo dhaweeyay soo dhawayn kadib ayaa ugaaska loo galbiyay Gurigiisa ku kadagi doono

Wararka aan ka helayno magaalada Jijiga iyo dagaamada Harawo ayaa si aad ah looga dareemayaa kacdoon isa soo taraya oo lagaga soo horjeedo magacaabistii ugu horaysay ee uu sameeyay Madaxwayne mustafe Cagjar

Waxaana wararka qaar sheegayaan in shir balaadhan oo beelaha samaroon iskugu iman doonaan la filayo in maalmahan laqabto laguna qaban doono magaalo kamud ah dagaamada Harawo kaas oo lagaga tashasanayo aayaha dagaamadan oo hore loo dayacay hadii laga maarni waayana go,aan ismaamul gaar ah lagaga dhawaaqi doono sida dad war galeen ahi noo cadeeyeen

Shirka ayaa laga yaabaa in lagu casuumo ugaaska guud Ugaas C/Rashiid