Waxaa goordhaw soo dhamaatay tirinta codadka wareega koobaad ee Doorashada Gudoomiyaha golaha Shacabka , waxaana wareega koobaad ku tartamayay 10-Musharax.

Tirinta codadka oo goordhaw soo dhamaatay waxaa hogaaminaya Musharax  Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman  oo helay codad gaaraya 83 cod halka uu kaalinta labaad soo galay Musharax Ivraahim Yaraow oo helay 69 waxaana wareega koobaad usoo baxay ilaa 4 Musharax.

Halkan ka Akhriso sida Musharaxiinta codadka u kala heleen.

1- Xildhibaan Maxamed Mursal Sh 83 Cod

2-Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow 69 Cod

3- Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen 54 cod

4- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla 19 cod

5-Xildhibaan Cali Sheekh Nuur 16 cod

6- Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow 7-cod

7- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye 7-cod

8- Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye 5-cod

9- Xildhibaan Idris Cabdi Dhaqtar  3 cod

10-Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur. 3-cod