Addis(SBN) warbaahinta Itobiya ayaa baahiyay in Qorshe Halisa oo meelo muhiima Qaraxyo lagaga Fulinayo uu Kafashilmay madaxwaynihii Hore ee mamulka iyo Koox ay isku xidhan yihiin.

Warkan oo uu Goor dhowayd baahiyay Telefeshinka Afka Xabashida kuhadla ee ESAT ayaa lagu sheegay in ciidamada sirdoonku ay Qabteen Warqad uu Cabdi ilay soo Qoray oo kusocotay Nin ay kusheegeen Abtigii oo lagu magacaabo Ahmed Mahad Colow (ilkacse).

Sida lagu sheegay warkani uu baahiyay Telefeshinka Xabashidu Warqada waxaa ku qoranaa in Laqarxiyo Goobo muhiima oo ay kamid yihiin, JigJiga university, Xarunta Quwada Korontada magalada Jigjiga,  iyo Xarunta Is-gaadhsiinta ama Telecommunication.

Warkani uu baahiyay ESAT ma aanu sheegin Goorta Warqada Laqabtay iyo cida Warqada lagu Qabtay Toona balse waxaa ay sheegeen in warkani ay kaheleen ilo xog Ogaala sida ay Hadalka u dhigeen.

Hadii Jiritaanka warkani uu noqdo sida loo sheegayo waxaa muuqanaysa in wali ay shaqaynayaan Kooxdii TPLF iyo kuwii ay isku xidhnaayeen oo wali kudhex milan Qaybo badan oo kamida Hay’adaha dawliga ah, waana Khatar Hor leh oo Abuuuri karto xasilooni daro iyo shaki meelo badan saamayn doona.