Hargeisa-(SBN)-Xukumada Kornayl Muuse Biixi ayaa xukun xadhig muddo shan sanadood ah ku  riday Boqor Cismaan Buurmadow oo damaanad ku joogay Hargeisa Maalmihii la soo dhaafay.

Boqorka oo debedjoog ahaa ayaa markii Xukunka lagu riday Jeelka loo taxaabay,halkaas oo sida la filaayo uu ku qaadan doono mudadaa shanta sanadooda ee lagu xukumay,Inkastoo dad u dhuun daloola xadhigiisu u sheegeen  in Kornayl Muuse Biixi Cafis u fidin doono dhawaan.