• Addis(SBN)Kulankii 61aad ee golaha qasiirada itoobiya oo uu shir gudoominayay PM Abiy Ahmed ayaa ansixiyay Sharciga Dib loogu dhisayo komishinka Doorashooyinka Dalka una Gudbiyay Baarlamaanka dalka,

    Bayaankan dib loogu dhisayo komishinka doorashooyinka dalka waxaa soo diyaariyay Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud waxaana lasheegay in looga gon leeyahay sidii doorasho xor iyo xalaal ah looga hirgalinlahaa dalka islamarkaana loo abuuri lahaa komishin doorasho oo haysta kalsoonida shacabka islamarkaana kamadax banaan dhamaan ururada siyaasada iyo haayadaha dawlada,

    Arintan ayaa imanaysa xili komishinka doorashooyinka dalka iyo ururada siyaasada uu usocdo kulan dood cilmiyeed ah, sidookale waxaan cadayn in qorshahan dib udhiska komishinka doorashooyinka dalka lagu daray wax talo ah ama tusaale ah oo ay leeyihiin ururada mucaaradka ah,

    Dhankakale golaha wasiirada ayaa isna ansixiyay sharciga iibka macdanta oo isna loo gudbiyay golaha baarlamaanka, qorsha sharciyeedkan waxaa soo diyaariyay xafiiska macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah, mana jirto faahfaahin kusaabsan sharcigan,