#Wasiir_Bayle Waa Shaqsi ku guulaystay shaqo walba inta aan taariikhda ku ognahay haday tahay dhanka aqoonta iyo dhanka shaqo. “Xaasha’e Nin Libin Kaa Xisdiyay Xumihii Waa Yaab!”

ϖ 2014 ka hor magacaabistii Wasiirka Arimaha DIbada iyo Iskaashiga Caalamiga Bayle waxa uu dalka u qabtay waxyaabo aan la koobi Karin isaga ka mid ahaa madaxda African Development Bank. Waxa marag ma doonto ah iyada oo koobnayd mudada uu xilkaas hayay in uu dalka wajigiisii arimaha dibada wax badan ka badalay.

ϖ 2016 ayuu markale dalka ugu soo noqday isaga oo rajo ka qaba in dalku maanta taaganyahay maalintii loo baahnaa uuna shaqadiisii ka soo ruqsaystay rabana inu dalka wax ka qabto. Waxa uu noqday xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Federaalka.

ϖ Isla sanadkaas waxa uu markiiba muujiyay kartidiisa iyo daacadnimadiisa isaga oo madax looga dhigay doorashooyinkii dhacay ee ay ka midka ahaayeen Gudoomiyaha Barlamanka iyo Madaxweynaha. Way adagtahay marka aad joogto Somalia in hawl sidaas umihiima hal shaqasi loo magacaabo wakhti aan kala fogayn. Ka sakow daacadnimada waxa xildhibaanada, bulshada soomaaliyeed iyo beesha caalamka aad usoo jiitay kartida uu ku fuliyay waxyaabihii lagu balamay iyo wakhtigii loo balamay.

ϖ 2017 waxa loo magacaabay wasaaradda Maaliyadda waxana uu bilaabay shaqo adag waxa uu soo celiyay nidaamkii maaliyadeed ee dalka sida midaynta cashuuraha, xidhiidhka caalamka ee arimamaha maaliyada, cashuur ururinta, mishaar bixinta, xidhida qardaraaslayaal aan sharci ahayn, la dagaalanka musuqa, bixinta kharashka dowladda oo ay ku jirto mishaar bixinta dhamaan dadka ushaqeeya dawlada iyadoo uu suuro galiyay in laga maarmo kabida deeqaha caalamka.

ϖ Waxa uu meel saaray hay,adihii caalamka ee Somalia kala shaqaynayay arimaha Maaliyada sida #IMF, African Development Bank, Islamic Bank iyo #WorldBank isagoo fuliyay qorshayaasha dal kula xidhiidhi karo nidaamka maaliyadeed ee caalamka isagoo hadda ku jira imtixaankii ugu danbeeyay ee uu dalku ku gaadhi lahaa in laga cafiyo daymaha iyo in uu helo lacago toos ah taas oo ugu danbayn keenaysa in la daabaco shilin soomaali 30sano kadib.

ϖ Wasiiir Bayle waa shaqsiga kaliya ee si joogta ah saxaafada iyo shacabkaba ula wadaaga halka ay wax u marayaan, waa shaqsiga ugu horeeya ee shaqo taga dawladda uguna danbeeya.

ϖ Dalkeena Somalia waxa uu leeyahay cadow badan, hadiiba maanta dawladu ay ku faanayso waxqabad waxan odhan karaa waa intaa Wasiir Bayle qabtay. Si taas loo dhaawaco waxa la diyaariyay report been abuur ah oo tilmaamaya musuq uu wasiirku lug ku leeyahay taas oo ugu danbayna ku danbaysay meel gaaban ilayn beeni raad maleh.

ϖ Waxan ku dhiiri galinaynaa wasiirkeena shaqada uu dalka u hayo iyo in aanuu marnaba ka niyad jabin kuwa dalkan cadowga ku ah iyo kuwo ay soo adeegsanayaan ee qandaraaslayaasha ah. Bayle dalkaa u baahan waana nin ku wayn shacabka soomaaliyeed.

#Nabad_iyo_NoLoL