Hargaysa(SBN) Badhasaabkii Hore E e Gobolka Maroodi Jeex Mustafe Cabdi Ciise Shiine Ayaa ka Dareen Celiyay sawiro baraha bulshada lagu faafiyay oo madaxwaynaha Somaliland Lahaa kuwaasi oo muujinayay madaxwaynaha oo geel uu leeyahay la jooga islamarkaana xambaarsan muuqaalo muujinayay xaalada dhabta ah ee bulshada haysta iyo war la,aanta hogaamiyahooda.

Badhasaabkii hore Mustafe Shiine ayaa Muqaalada Madaxwaynaha ku Tilmaamay wax laga Xumaado iyadoo xaalada ay ku sugan yihiiin danyarta Somaliland Ee ku xeeran agagaarka  Madaxwaynaha  aanu ka warhaynin duruufaha ay ku suganyihiin halka  uu  usoo gudbinayo muuqaalo Tamashlayna ah,

Mustafe shiine ayaa Qoraal u arintan kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga  ayaa wuxu udhignaa  sidan;

 “Haddaad Jimcaha Geel aad adigu leedahay u caano doonato, caruurtii masuuliyada kaa saaraydna caano-boodhihii loo waayay intoodii badnayd oo aad sawiro tamashlayn ah soo gasho , iyaba waa cibaaro, balse waxaad haysataa qaar badan oo sawirkaagaa ku faraxsan oo si yididiilo leh u soo dhawaynaya cida ka yaabtana afka goosanaysa.

Cumar Bi Khataab waxa habeenkii inta ummaddu nasanayso uu soo dhex mari jiray xaafadaha habeenkii danbe ayuu la kulmay hooyo wax ay u kariso wayday ubadkeedii, kadib markii uu weydiiyay waxay canaanatay Amiirkii ummadda oo ay eedii haynteeda saartay, iyadoo aanay garanayn ninkan la hadlaya inuu yahay Cumarkii ay canaananaysay, inta uu kaxumaaday daruufta hooyada iyo ubadkan ayuu halkii Islaamka wax loogu keydinaayay orod ku tegay dabadeed waxa uu soo qaaday dhawr joonyadood oo raashin ku jiraan gacan yarihii la socday, ayaa u naxay oo is yidhi u qaad , kadibna waxa amiirku ugu jawaabay ” aakhiro miyaad denbigayga ila qaadaysaa” waxana uu u geeyay raashinkii isagoo tunka ku sida oo dhididku hooray reerkii danyarta ahaa.

Waa nasiib iyadoo 200 talaabo meel aan u jirin laga heli karo dad aan dab shidan inaanu tamashlayno oo aad moodo inaanay masuuliyadi na saarayn.

Anigu sawirka soo dhigi maayo oo isagaanba dacaayad u arkaa iyo damiir xumo, tiiyoon arkaynay sida bulshadu sicir bararka uga calaacalaysay inaan soo dhigo, inaan sawirka hadalkayga markhaati uga dhigana waxa iiga filayd sidii loo xayaysiinaayay maalmihii tegay.