Borama(SBN)Hay’ada samofalka wadaniga ah ee AYODA  oo kaashanaysa hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan dhalaanka ee UNICEF ayaa tabobaro   u furtay  91 xubnood oo ka tirsan guddiyada waxbarashada  (CECs) ee la shaqeeya  dugsiyada hoose dhexe oo ka tirsan degmada Saylac,gudiyadda tabobarka ka qayb-qaatay waxay ka socdeen   13 dugsi hoose/dhexe. ee(Daryodheere,Xariirad,Habaas,Cabdiqaadir,Jidhi,Ceelgaal,Caashocado,Saylac,toqoshi ,bariisle iyo Lowyacado).Tabobarkaasi oo  ujeedadiidu tahay in kor loo qaado aqoonta guddiyada waxbarashada si ay uga qayb-qaataan horumarinta dugsiyadaasi waxyaabaha lagu tabobarayo waxaa ka mid ah cashiradan hoos ku qoran:-

  • Doorka iyo masuuliyada ay leeyihiin guddiga waxbarashadu
  • Xalinta khilaafaadka
  • Samaynta qorshaha horumarineed ee dugsiyada (School Development plan)
  • Wacyigalinta bulshada,waalidiinta iyo ardeyda
  • Sida loo qoro hadal qoraalka shirarka ( Minutes of Meeting)
  • Qaadhaan ururinta dugsiga ( Fundraising)

Qaar ka mid ah Gudiyadda Waxbarashada

Tabobarkan la siiyay guddiyada waxbarashada ayaa waxa uu qayb ka yahay mashruuca (Educate A child) waxbar Ilmahaaga oo hay’ada AYODA ay ka  biloowday degmooyinka Saylac iyo Lughaya ee Gobolka Awdal,  sanadkii 2015 ,kaasi oo hada lagu jiro dhamystirkiisii.Mashruucani waxa uu diirada saarayaa  sidii  carruurta aan fursada u helin waxbarashada aasaasiga ahi u heli lahaayeen waxbarasho tayo leh,laguna wacyigaliyi waalidiinta in ay caruurtooda dugsiyada geeyaan si ay u helaan waxbarashada ay xaqa u leeyihiin.

Qaar ka tirsan gudiyada waxbarashada oo aanu la xidhiidhnay waxay noo sheegeen  inay ka faa’iidaysteen tabobarka la siiyay wax weyna ay ka qaban doonaan horumarinta dugsiyada degmada Saylac.Aqoonta aanu ka baranay  waxa ka mid ah sida loo sameeyo qorshaha horumarineed ee dugsiyada anaga oo ku salaynayna kolba baahida ka jirta dugsiyada,hawl kasta oo dugsiga laga qabanaayo anaga ayaa la imanayna qorshaheeda anaga oo u eegayna sida ay u kala mudan yihiin, ilaa hadana waxaa noo suuro galay intii aanu tabobarka ku jiray inaanu dejisano qorshe hawleedyo (School development plan) oo aanu  fulintiisa bilaabi doono.

.Hadaanu nahay gudiyada waxbarashada  ee  la shaqeeya dugsiyada waxaanu balan qaadaynaa in aqoontii aanu baranay  wax kaga qabano dugsiyada aanu la shaqayno una gudbino waalidiinta ardeyda,maamulka iyo macalimiintaba.Ugu danbayntii waxaanu u mahad naqaynaa Hay’ada UNICEF  ee mashruuca maamulaysa iyo AYODA  oo fulinaysaba inay noo ogolaadeen in aanu gacantayada ku maamulano  dakhliga ku baxaaya horumarinta iyo wanaajinta dugsiyada marka aanu la nimaadno qorshahayaga wax-qabad,waxa kale oo aanu u mahad naqaynaa wasaarada waxbarashada  ee heer gobol iyo qaran oo mashruucani door weyn ka qaadatay.Waxaanu biloownay qorshe waxqabad oo aanu hormood ka nahay waanu sii wadaynaa guddi ahaan in aanu door weyn ka qaadano horumarinta iyo wanaajinta dugsiyada,waanu caawinaynaa,la shaqaynaynaa maamulka iyo macalimiintaba intii awoodayada ah,sidaa waxa hadalkoodii ku soo gunaanaday dhamaan gudiyadii tabobarka ka qayb qaatay.