Hogaanka TPLF oo Afka Furtay & Xukuumada oo Uu Eedeeyay.

Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Tigrey ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya isku dhex yaac iyo khalkhal siyaasadeed oo kajira Gobolka Tigrey.

Gudoomiyaha TPLF ahna madaxwaynaha Gobolka Tigrey Debretsion oo Warbaahinta gudaha lahadlayay ayaa sheegay in Weerar lagu sooqaaday Siyaasiyiinta iyo dadka magaca leh ee udhashay qoomiyada Tigreega.

Debretsion ayaa eedayn culus dusha usaaray xukuumada Abiye Axmed oo uu kusheegay in ay beegsanayaan Siyaasiyiinta udhalatay qoomiyada Tigreega, gaar ahaan kuwii magaca lahaa.

Debretsion ayaa sheegay howlgalka lagula dagaalamayo musuq maasuqa in uu yahay mid lagula dagaalamayo Tigreega, isagoo sheegay in dabagal lagusamaynayo Siyaasiyiinta Tigreega.

Dowlada cusub ee Abiye Axmed ayaa Sheegtay in ay ladagaalami doonto musuq maasuqa iyo cidkasta oo kulugyeelata. Waxayna xukuumada Abiye bilowday howlgal ay kubaacsanayso dambiilayaasha