Isku tashi ayaa hormar lagu gaadhaa , kudayo Harrawo
Waxaan mahad celinyaa aqoonyahaka ku midoobay haldoorka Harawo oo igu marti qaadey magaalooyinka, Lafaciise, Sheed-dheer iyo Awbare, Waxaan maad balaadhan u jeedinayaa, salaadiinta waxgardka maamulka , dumarka iyo dhalinyarada sadexda magaalo oo si diiran noogu soo dhaweeyey magaalooyinkooda.
Magaalooyinka aan soo maray waxay tusaale u noqon karaan guud ahaan degaanka , waa magaalooyin waaweyn oo wax soo saar leh, tusaale magaalada lafaciise waxaa ku yaala labo warshadood ,waxaa yaala mishiinada qamadiga lagu jaro ee lagu isticmaalo wadamad horumary, waxaa aad loo beertaa dhulka u dhaxeeya magaalooyinkooda, waxaan ka soo go’a qamadiga ugu badan degaanka

Magaalo walba waxay leedahay dugsi hoose ilaa dugsi sare oo sifiican loo dhisay loona dayac tiray(waxaan dhistay dadka degaanka badankooda)xarumo caafimaad, laydh 24 saacadood ah iyo biyo, dadka degaanka ayaa isku tashaday ilaashadayna xaruumahooga danta guud,waxaana ku soo jiidanayaa bilicda xarumahaas,degaanadana ayey ka soo jeedaan aqoonyahano aad u badan waan midhaha isku tashiga dadka degaamadan
Waxaan jeclaan lahaa inay soo arkaan dadka degaamada kale ka soo jeedaa si ay khibrada iyo waayo aragnimo uga qaadan lahaayeen.ayakan EEBE horumarkaasi ha ugu wado hiisigoodana ha gaadhsiiyo
Waxii ay tabanayaan ee dawlada kaga maqan haloo fudideeyo si ay dhiirigalin ugu helaan.
Marlabaad mahadsanidiina walaalayal.waxaan sigaar ah ugu mahad celinayaa saxibkay Mahdi ismaaciil cabdilaahi,Nabadoon Cadnaan,mareeye xasan suxufi iyo dhamaan hogaaminta haldoor.

Qoraalkan qofkii u baahan wuxuu ka dheehan karaa boga facebook kiisa