Kornayl Gabre Egziaber Alemseged oo Somaalidu u Taqaano Janaraal Gabre xasuuq Arxandara ahna Horay uga Gaystay dalka Somaaliya Gaar ahaan magalada Muqdisho, sanada dhawrana ahaa shakhsiga ay Talada Somaaliya ka Go’do ayaa xabsiga loo Taxaabay.

Xadhiga Kornayl Gabre oo Goor dambe oo xalay soo baxay ayaa sheegaya in Kornaylka ay ciidamada Federal Police-ku ugu dhaceen Guri uu kuleeyahay meelaan ka Fogayn Hotelka Hillton ee badhtamaha magalada Addis ababa.

Qaar-kamida Bogaga wararka Itobiya oo warkani baahiyay ayaa sheegay in xadhiga Kornayl Gabre uu Qayb kayahay Ugaadhsiga lagu Hayo saraakiishii Hore ee ciidamada, kuwaasi oo loo Haysto dambiyo isugu Jira ku xad Gudub xuquuqul Insaanka iyo boobka Hantida dadwaynaha.

Kornaylkan kusoo caan baxay xasuuqii uu kagaystay magalada Muqdisho iyo Guud ahaan Somaaliya ayaa Hadii xadhigiisu dhab noqdo, ayaa Quus iyo Rajo beel waxaa ay u tahay dhamaan saraakiishii ciidamada Itobiya ee Awoodihii sharcidarada ahaa ee ay Lahaayeen sida xun u Adeeg-saday.