Muuse Biixi waxaa dalka gacanta u galiyay heshiiskii is-bahaysigii ka koobnaa shirkada DP WORLD, shirkadii la dhalan-gadiyay ee la odhan jiray (Ethopian Shipping Line) lakiin imika loo yaqaan (Ethiopian Shipping Enterprise) iyo kooxda talada dalka haysa, heshiiskan oo ujeedkiisu salka ku hayay mashaariico jeegamaysan oo dhaqaale badan ku kacaya. Dhiig iyo dheef wixii ku lumay doorashadii la iska ilow, kursigiina loo hanee, laakiin waxaa qorshihii heshiiskaa laf-dhuungashay ku noqday siyaasada madaxweyne Farmaajo iyo is-baddelka ka dhacay dalka Itoobiya. Maanta ayaan daradaa jirtaa waxay tahay ninkii kursiga loo haneeyay in uu bilaabay qorshe Rogaal-celin ah isagoo si’aan gabasho lahayn, calaacal iyo ciil-kaanbina ka muuqdo uga sheegay kheyrida burco ilaa ay noqonayso sida uu rabo in ay Somaliland ku jiri doonto go’doonkaas siyaasadeed, qorshaha muuse biixi oo ka kooban afar qodob bal horta ila dhuuxa kadibna faalo iyo fal-celin waa xagiina.

1-muuse waxa uu galay abaabul isagu jira ciidan iyo dhaqaale, maadama dhaqaalihii dalku liito waxa uu ga’aan ku gaadhay in la laga howl-galo dhaqaale ururin xoogan oo ka iman doonta cashuurta la qaado shacabka, tageerada imaaraatka iyo ganacsatada ay hayb-ku abtirsadaan waxaana howshaa loo xil-saaray wasiirka igman (Sacad Cali shire), abaabulka waxa kale oo ku jira taageerada shacabka oo ahaa ujeedka socdaalkiisa gobbolada bari.

2-Muuse waxa uu go’aansaday in qadiyadii dhex-taalay Somalia iyo Somaliland laga dhigo colaad laba shacab sida xaalada waqooyiga iyo koonfurta kuuriya, wado-xaajoodkii u dhexeeyay labada dalna laga dhigo mid lamida wada-xaajoodka hubka nukliyeerka waa inta uu joogo madaxweyne Farmaaje e

3-Muuse waxa uu go’aansaday in waxkasta oo horumar siyaasadeed ama geedi socod dimoqraadiyadeed ah oo qorshihiisaa xagal-daacin ku keeni kara lasoo afjaro sida doorashooyinkii, dib u habayntii dastuurka si xal waara looga gaadho tabashooyinka beelaha loona dhiso waddan la wada leeyahay.

4-Marka aad aragto siyaadii taalay imaaraatka oo la raray dalka kiiniya,hadalada xanafta ah ee ka dhanka ah ra’iisal wasaare ABIYE, huteelada hargaysa ee lagu qabanayo xusuuqa Oromadu ku heyso somaalida, difaaca saldhiga imaaraatka ee Berbera, cadaadiska la saaray dadka iyo badeecadaha u kala gudbaya Itoobiya iyo Somaliland iyo eedaymaha dowlad deegaanka soomalida itoobiya waxa marag madoona in muuse faro-galin dhaqaale iyo amni oo aan karaankeena ahayn uu la damcay quwada ugu wayn waddamada afrika ee saxaaraha ka hooseeya waa Itoobiya