Maku dayanaa reer Lafaciise?

Magaalada lafaciise  waa hooyga aqoonta ee deegaankeena.

Waxaa kajira nidaam iskutashi ah ooy bulshada magaaladaasi muddo hore ka sameeyeen “Ururka midowga aqoonyahanka iyo ardayda lafaciise- UMAL”.

Ujeedada ururkaas loo aasaasay ayaa ahaa sidii kor loogu qaadilahaa tayada waxbarashada loona soosaari lahaa arday ku hubaysan aqoonsare ooy meelwalba kula qabsan karaan “Competent students”.

Waxqabadyada ururkan ayaa waxaa kamida:
-wacyigalinta ardayda ee kusaabsan ahmiyada waxbarashada,
* ardaydu intay qaaraan bileed iska uruuriyaan ayay kufilaadaan boogtii iyo dharkii iskuulka ardayda qoysaska danyarta ah.
* arday kasta inuu uguyaraan hal geed inuu kabeero iskuulka ama xarunta caafimaadka ama wadada hareereheeda haduu geedkaasi dhintana lagu qiimeeyo ardayga mar labaadna uu beeridoono.
* ardaydu markay jaamacadaha tagaan waxaa caawiyay oo wax fahansiiya kuwii ugasii horeeyay si uuna ardayna udhicin.
* ardayda jaamacadaha dhigta bilaha ay fasaxa yihiin waxay cashiro siiyaan ardayda fasalka 7aad iyo wixii kasareeya si bilaalacag ah.
-qalabaynta iskuulada,
– laybareeriyada,
– aqoonyahan kasta oo awooda inuu shacabkiisa u faaiideeyo ayaaa intuu sabtida iyo axada intuu tago lafaciise uu ardayda waxbaro xitaa hadii lawaayo qof takhasus uleh inay macalin kale lacagsiiyaan sidaasna kugeeyaan lafaciise, iyagoo lakashanaaya aqoonyahanka iyo qaybaha bulshada
– xaflad sagootin ah inay uqabtaan ardayda jaamacadaha tagaysa iyo Kuwa soo qalinjabiya

Arintan ayaa waxay keentay in sanadkii hore ee 2010 TI ay 400 oo arday ugasoo qalinjabiyaan waxbarashada tacliinta sare (digree- 172 arday iyo diploma- 228 arday) magaalada lafaciise oo kaliya xafladna loogu dhigay sida uu SDM usheegay gudoomiyaha ururka UMAL Dr. Xasan Cabdi.

Guushan ayaa ah midhihii kadhashay wakhtigii iyo miisaaniyadii ay bulshada reer lafaciise si iskood ah intay isku abaabuleen kharashna iska uruuriyeen kubixiyay arimaha waxbarashada sida dhisida dugsiyada, qalabaynta iyo buugta ardaydu ubaahanyihiin.

Guud ahaan 8,916 oo arday ayaa maanta 38 da dugsi ee magaalada lafaciise waxkabaranaya sida uu SDM khadka talefoonka ugu waramay mudane Mukhtaar Cabdi Xasane (Ceeg), madaxa arimaha xisbiga ee lafaciise.

Iskusoo wada duuboo, arintan ay ku dhaqmaan bulshada reer lafaciise ayaa ah mid kudayasho mudane maadaama waxbarashadu (quality education) tahay aasaaska hormarka loona baahanyahay in jiilka soo kacaya wado wanaagsan loo jeexo waxaan leenahay aan iska kaashano danaha iyo mustaqbalka bulshadeena.

SDM, Lafaciise, DDS
Shafici Dahir Muse, managing editor