Markii la abuurayay Itoobiyada cusub ee ku dhisan dastuurka waxaa is qaban-waayay maalmihii taariikhda itoobiya ku xusnaa iyo hal-doorkii hormoodka ka ahaa taariikhdaas.

TEWEDROS oo ahaa boqorkii aasaasay Itoobiya waxaa ka hor yimid qowmiyada Tigreega oo ku andacootay in uu ka xoogay talada boqor YOHANES, sidoo kale MELILIK oo ahaa hogaamiyihii ku jabiyay Talyaaniga deegaanka ADWA oo ku suntan maalinta qaranimada itoobiya waxaa ka hor yimid qowmiyada Oromada oo ku eedaysay in uu 75 kun oo qof ku xusuuqay deegaanka Jalanqo waqtigii uu qabsaday marinka Herer. Xayle Salaase oo ahaa Boqorkii dowladnimada cusub ee Itoobiya looguna magac-daray magaalooyin iyo jaamacado badan waxaa ka hor yimid Qowmiyada Tigreega oo ku eedayay xusuuqii kacdoonkii dadka tigreega ee sannadkii 1948 oo ahayd waqtigii uu u bixiyay tigreega magaca {Wayaane}

Soomalidu waa hal qowmiyad oo ehel iyo xigaal isku ah, saaxiibkey guuleed daafac waxaan odhan lahaa laba jid ayaa soomalida u furan kan koowaad waa in la iska iloobo wixii tacadi iyo hagardaamo ahaa ee ay ka tageen nidaamadii kala danbeeyay, kan labaadna waa in sidaa Itoobiya qabiil waliba xuso wixii tacadi ah ee lagula kacay, Raggii tacadigaa gaystayna taariikhda laga saaro. anigu waxaan door-bidi lahaa in qodobkaa hore la qaato laakiin adigu ha dhiiri galin in qoddobka labaad la qaato oo magaalo kasta kaare iyo diyaarad astaan looga dhigo.