Ra’iisal wasaaraha dalka Itobiya Abiy Ahmed ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo si rasmi ah uga dalbaday in Magaalo-xeebeedka Saylac uu ka siiyo Saldhig Military.

Xogaha aanu helay waxa ay sheegayaan in Abiy Ahmed uu Farmaajo ka codsaday in Dawladdiisu aanay ka hor imanin heshiis ay Itoobiya doonayso in arimaha Saldhigaasi ay kala gasho Somaliland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegey in uu codsiga Itoobiya Aqbalay isaga oo xeerinaya danaha siyaasadeed iyo xidhiidhka aan cagaha adag ku Taagnayn ee kala dhexeeya Itobiya.

Markii xogtani banaanka u soo baxday, Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga ayaa safar deg deg ah kuyimid magaalada Muqdisho, waxaanu Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay in magaalada Saylac ay tahay Xarun Taariikh weyn ku leh Halgankii Diinta Islaamka ee Geeska Afrika.

Wasiirka difaaca ee Turkiga ayaa sheegey in ay tahay khalad Taariikheed oo weyn in Saylac ay noqoto Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Badda ee Itoobiya.

Xoguhu waxay intaas ku darayaan in Madaxweynaha Turkiga, Ordugan, uu Madaxweynaha Soomaaliya ku casuusay magaalada Istanbul isaga oo ka codsaday in Saldhigaasi ay Soomaaliya siiso Dawladda Turkiga.

Ordugan waxa uu sheegey inay Saylac tahay Xarun muhiim ah oo ay tahay in la wada ilaashado balse Dawladda Soomaaliya wali arintaasi jawaan cad kamay bixinin.

Todobaadkii la soo dhaafay Urur Goboleedka IGAD ayaa waxay sheegeen in ay samaysan doonaan Ciidamo midaysan oo badda ah. Ciidamadaasi ayaa ilaalin doona Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Arimahani waxay ku soo beegmayaan xili guud ahaan Soomaalidu aanay halayn aragti siyaasadeed oo ay dhulkooda, badahooda iyo dadkooda ku ilaashadaan.