Sida ku cad “Qodobka 13aad ee Dastuurka Qaranka Somaliland, wuxuu dhigayaa in dawladu yeelato Baanka dhexe ee Qaranka Somaliland, kaaso qaranka uga masuul ah ilaalinta hantida iyo lacagta qarankani leeyahay ,isagoo qodobkani ogol yahay in baanka dhexe ee somaliland ganacsatada u furi karo baanan ay ka mid yihiin Baanka Ganacsiga iyo Baanka Hormarinta, kuwaas oo uu masuul ka yahay baanka dhexe Somaliland.

Haddaba waxay ahayd bishii April ee sanadkii 2018, markii xukuumadda cusub ee uu gadhwadeenka ka yahay mudane Muuse Biixi Cabdi Banka dhexe ee JSL u soo magacawday guddoomiye mudane Cali Ibrahim Jaamac iyo Agaasime Axmed Xasan Carwo. Run ahaantii labadan masuul waxay la kawsadeen Xaalado dhaqaale oo cakiran iyo sixir bararka oo xadhkaha goostay.

Hadaba iyaga oo labadan masuul ba taariikh ahaan marka background kooda dib loogu noqdo labaduba ay aqoon iyo waayo aragnimo durugsan u leeyihiin xaaladahan ay la kowsadeen ee Banka dhexe ee JSL ku sugan yahay maanta, waxay talaabadii u horeysay ee ay qaateen noqotay in ay shaqaalaha Banka u qabtaan shir lagaga wadatashanayo aayaha banka iyo sidii xaaladan cakiran looga gudbi lahaa, talo iyo tusaale labadaba..

Intaa ka dib, waxaa loo dhaqaaqay tubtii lagu tanaaday ee ahayd:
1. Banka dhexe waxa uu awood u yeeshay in ay sicir-bararka hoos uga soo dhigaan 19.2%, gaadhsiiyaanna 7.7%, sidoo kale waxay suurto geliyeen in qiimaha sarrifka shillinka somaliland kor u qaadaan 15%, kor u kacaasi oo degenaanshiyo lacageed geliyey suuqyadda lacagaha ee Dalka oo dhan, tusaale ahaa wixii ka horeeyey aprill 2018, 1 dollar waxa lagu sarrifi jiray 12,000 Sl/sh gacanta hore, ta danbana 12,500 SL/sh, balse maanta dagaal badan oo culus ka dib 1 dollar waxa lagu sarifayaa 9,300 Sl/sh gacanta hore, ta danbanna 9,500 SL/Sh.

2. Waxay markii ugu horeysay 27 sano oo ay somaliland jirtay tobobar noociisa aan horey loo bixin uu guddoomiyaha Banku Mudane Cali Ibrahim Jaamac Caateeyee ku tagay dalka ingiriiska Novemner 2018, isagaa oo ay weheliyaan saddexda sarkaal ee kale ah Maamulaha Laanta Xarunta Mudane C/raxmaan Cali warsame, Agaasimaha waaxda dabagalka Lacagaha mudane Mawliid Faarax Agaasimaha siyaasadda Lacagta mudane Maxamed Cllaahi, waxaanay kulamo heer caalami ah la qaateen madax ka socota Central bank of England, halkaas oo ay tobabaro iyo aqoon iswaydaarsi ay kula qaateen.

3. Waxay 27 sanadood ka dib ku dhiiradeen in ay dib u soo ceshaan bilicdii iyo hanaankii adeega banka waxaanay shaqaalaha u sameeyeen Dress kii Banku kaga duwanaa dadka shicibka ah ee loo shaqeeyaha ah (customers), taasina waxay dhalisay in la kala garto masuulka banka iyo loo-shaqeeyaha.

4. Waxay balaadhin iyo dib u habayn baaxad leh ku sameeyeen dhismayaashii banka ee qadiimiga noqday oo waxay Laamihii Banka ku sameeyeen dib u casriyeyn dhisme, gaar ahaan laanta xarunta, laanta Berbera iyo Laanta Dumbuluq oo ay hadda socoto dhismaheedii dib u habaynneed.

5. Waxay ku dhiiradeen furista Laantii Agoomowday ee Madaarka, taasi oo 2010 xukuumadii cusbayd ee uu hogaaminayey Madaxweyne Axmed Siilaanyo Albaabadda u xidhay.

6. Waxay ku dhiiradeen in kaalintii maamulka ee sare u ogolaadeen in ay ka qayb-qaataan dhalinyaro aqoonyahan (Master’s Degree) oo iyaguna dhiig cusub u shubay horumarintii Banka.

Sidoo kale waxaa Iyana aan ka maqnayn Kaalintii Maamulka Arrimaha Shaqalaha Banka dhexe oo samaysay Xeerkii shaqaalaha lagu dhaqayey, isu soo wada duuboo, waxaa intaa dhex socday dacaayadaha dadka horumarka necebi ku hayeen maamulka sare ee Banka oo ahayd in ay is-haystaan Masuuliyiinta sare ee Banku, waxaa biyo kama dhibcaan ah marka masuuliyiin horumarka u heelani meel isugu yimaadaan in mararka qaarkood tubtii horumarinta hayadda laysla garab-maro iyadda oo labadooduba rabaan in ay Yool (Vision) keliya gaadhaan.

Guntii iyo gunaanadkii waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ilaahay garansiiyey in uu u soo magacaabo Banka dhexe ee JSL Masuuliyiinta mudadaa Halka sano ah waxan oo horumar ah gaadhaysiiyey Banka, maxaad u malaynaysaa iyaga oo maanta Jiibta iyo Jaanta isla helay in hadii Sanad kale ay meesha sii joogaan waxay qarankan u hor seedi doonaan?

Alla Mahad Leh
W/Q; Fu’ad Bashir Khalif