.

Waxaa iska cad in dadyowga ku nool addunka dhamaantood ay ka kooban yihiin qof, qoys, qabiil iyo shucuub ama ummado ( Nations) sidaasi waa nolosha caadiga ah oo meel kasta oo adduunyada guudkeeda ah ka jirta,inta badana waa qaababka amam hababka ay dadka dunida guud keeda ku nooli isku caawiyaan, isku xidhiidhiyaan iskuna gartaan, hadii intaas uun lagu deyn lahaa way wacnaan lahayd.

Dhibka jira ayaa waxa uu yahay dadka Soomaalida ah kaliya iskuma gartaan oo iskuma xidhiidhiyaan beelnimada ee waxa ay u tahay damaanad iyo unuga ugu xooga badan ee ay ku tiirsan yihiin kaasi oo aanay marnaba ka maarmeyn isku halintiisa iyo ku kalsoonidiisa.

Si kastba ha ahaatee ma jirtaa dadyow ku dhaqma nidaamka beelnimada ah ama qabyaalada oo uga guurey nidaamka ummadnimo ama dawladnimo?

Jawaabtu waa haa wayna jiraan dad nidaamka noocaas ah soo marey inta aan taariikhda ku ogahayna waxaa shucuubtaas ugu muhiimsan hab dhaqanka noocaas oo kale ah soo marey Carabta, Turkiga iyo Mangooliyaanka.

Sadexda qolona way ka guureen nidaamkaasi dhaqan dhaqaale iyo maamul ee ay ku noolaayeen siyaabo kala duwana way uga guureen, bal aan midba mar eegno dabadeedna aan barbar dhigno hab nololeedka Soomaalida keebaa inagu haboon.

B. Carabta: waxay ahaan jireen dad ku dhaqma nidaam beeleedka badanaana waxaa qabaa’ilka Carabta madax (Suldaan) ka noqon jirey qofka ugu da’ weyn beeshiisa loomana eegi jirin in uu liito iyo in uu wanaagsan yahay walow deeqsinimo iyo geesinimo dheeraad ah lagu tirin jirey.

Hadaba markii uu Islaamku waagiisu ka baryey Jasiirada Carabta ee Nabi Muxamed (NNKH) ku dhawaaqey sinaanta bani Aadamka waxaa si tartiib tartiib ah u baaba’ey nidaam beeleedkii ka jirey dhulka Carbeed waxaanu Nabigu adeegsadey qaabka la yidhaahdo jiheyn oo halkii beesha lagu faani jirey ku badaley in ay Islaam ku faanaan.

Nabigu (SCW) waxa uu isticmaaley in uu beel kasta oo Carbeed marka ay Islaamaan aanu waxba kama badali jirin nidaam maamuleedkooda wuxuuna ka dhaadhicin jirey in ay ixtiraamaan Islaamka isla markaana qaataan wixii wanaag ah ee uga yimaada xaga Ilaahay wixii iska daaya la yidhaahdana ka dhawrsoonaadaan.

Beel kasta in ay dhismaheedii hore iska ahaato waxba uma dhimi jirin Nabigu sidaas ayeyna dawladiisa uga mid noqon jireen, taasi waxaa tusaale cad u ah duulaankii furashada Maka ee sanadii 8aad ee hijrada markii Abu sufyaan la qabtey Nabigu waxa uu amrey adeerkii Cabbaas in uu meel fagaare ah joojiyo duqa reer Maka si uu u arko ciidanka Islaamka, Abuu sufyaan waxaa soo marey ciidan kala labis duwan oo qolo qolo ama beel beel u socda Cabaasna waxa uu u sheegayey reer kasta marka ay ag marayaan waa reer Muzayna waa reer Qafaar …… ilaa ay ka soo baxeen cutubyo direys doog ah wata aadna uga nixiyey odayga Abuu sufyaan markaas buu yidhi: kuwani maxay ahaayeen waa wax lag argagaxo eh? Waa Ansaar iyo Muhaajiriin ayuu ugu war celiyey Cabbaas, sidaas bay Carabi uga baxdey nidaam beeleedkii ay ku dhaqmi jirtey.

T. Turkiga: Shucuubta Turkigu waa ummad balaadhan oo deganaan jirtey badhtamaha Aasiya markii danbena u soo guurey galbeedka Aasiya ama Anaatooliya dhulka maanta la yidhaahdo, waxaan astaan u ahaan jirtey nidaam beeleed leh suldaan iyo gole guurti oo beel walba uu Turki ahi lahayd kuwaas oo hogaanka beesha hayn jirey, markiise ay Islaamka qaateen beelaha Turkigu waqtigii Cumar binu Khadaab waxay aad u xoojiyeen dhaqan ay lahaayeen oo ahaa in beel walba ay ixtiraamta dawlada Islaamka, waxaana beelaha Turkigu lagu yaqaanaa in ay danta beeshooda ka hor mariyaan waxa ay rabto dawladu taasi oo ah barbarian ilaa caruurtooda la baro in aan dawlad la’aan la jiri kareyn.

Waxaa jirta dawladii boqortooyada ahaa ee Turkigu madax ka noqdeen sida Saljuukiyiintii iyo Cusmaaniyiintii waxa uu ahaa dhaqanka u hogaansanka dawlada mid ay ku tilmaanaayeen.

Waxaana jirey beelo gaar ah oo aad loogu yaqaaney daacadnimada ay dawlada u yihiin wax kasta waxa ay ka hor marin jireen guurtida beeluhu rabitaanka dawlada iyo u hogaansankeeda,taasina waa ta keentey in Turkigu noqdaan shucuubta Muslimka ah kuwii ugu waqtiga dheeraa ee dawlado Islaami ah hogaamiya.

J. Mangooliyaan: Waa shucuub ku dhaqan woqooyiga Shiinaha Turkigana ay walaalo yihiin oo dhaqan iyo luuqad wadaag leh, waxayna ahaayeen beelo hogaano (Khaanis) u gaar ah leh dagaalka iyo isbaabi’intuna joogto u ahayd si xayawaanimo ahna waa isku gumaadi jireen.

Beelihii Mangoolka ee dhibkaas ba’an isku hayey waxaa ka soo dhax baxey bilowgii qarnigii 13aad gaar ahaan 1206dii nin la odhan jirey Timojiin aakhirkiina la baxay Jankiis Khaan, wuxuuna Jankiis xoog iyo xeeladba ku baabi’iyey nidaam beeleedkii dadkiisu lahaayeen ilaa uu ka dhigey kuwo ku duula caalamka oo dhan dhul badan oo Aasiya iyo Yurub ku fidsana wuu qabsadey.

Hadaba Soomaalidu inkasta oo ay tahay Muslim hadana waxa ay aad nidaam beeleedkeedu u eg yahay kaas Mangoolka marka laga eego duulaamada dhexdooada ah iyo ixtiraam xumada ay u hayaan nidaamka dawlada.

Waxaanse is leeyahay habkii Nabi Muxamed (SCW) ee jiheynta beelaha hadii ay dawladu adeegsato way ku guulaysan kartaa beelahana waa la toosin karaa.

Waxaa kale oo shardi adag dawladuhu kaga dhigayaan hogaamiye beeleedyada Soomaalida marka ay dawlada saami ka rabaa in ay dad hufan,fiican, daacad ah oo aqoon leh u keenaan.

Waxa ay sidoo kale dawladu sameyn kartaa in ay dalabaadka beelaha iska dhaga tirto oo wixii maslaxada guud ay u aragto ay sameyso iyaga fulinta arinkaas ay ku khasabto.

Baabi’inta beelnimadu marna suura gal ma ah ee waa la sixi karaa oo qofba qofka u ka fiican yahay ayaa la soo hor marin karaa .

Danta guud ama wixii Soomaalida ka dhaxeeya ayaa looga dhigi karaa qolo kasta waxa ay faa’iidadoodu ku jirto.

Sinaan hadii loo hor seedo waa arinka ugu fudud ee lagu yareyn karo dhibaatada qabyaalada.

W/ Qorey: Xasan Ciise- Jigjiga