Cadaab, cadho iyo ciil oo reer awdal u dheer. waa qormo aan ku eegayo, s.land dhacdooyin, sooyaalka waayihii ay soo martey, wakhtigan hada lagu jiro iyo waliba mustaqbalka soomaali land. xaasha dhaqan keena suubaan iyo diintu islaamku ma ogolo in laga hadlo wax yaalaha qaar sida dumar ama qoys, walaw xitaa ay jiri karaan shay isha soo jiita oo aan loo bogin. laakiin si wax loo saxo waa laga hadli karaa ayey ila tahay, siyaaadada iyo siyaasiga xilka uu doono ha hayo ama cimri kasta ha ahaadee . isagu waa nin xil qaadey eed qaad ama nin ciyaar tuntey ilaaq dalbey.
qaybtii sedexaad;-
aniga wali ku guda jira sooyaal, sacada aan joogno iyo saadaal aan ku eegayo dalkan yar ee saboolka ah ee soomaali landa. samo iyo saancad wixii soo marey, kana haadiyey been iyo male-awaal (just facts no fiction). tilmaan iyo talo aan ku kaabey oo aan lee yaahay sidan ayey u dhacdey ee sidan ayaa ka haboon mooye. waxa ku bilaabey sidan;
Madax-waynha hada cusub oo laga yaabo isga oo dheela hawlasan (sleep walk) in uu raaco hab dhaqn uu ka dheegtey kii uu xilka kale wareegey oo durba qaladaad galay iyada oo aan la gaadhin boqol cisho wali. wel-wel iyo walaac badan ayaa jira. waayo waxa laga filayey in uu deg-deg ugu kuur galo musuqa baahsan, baadho, jawaab cad iyo talaabo uu ka qaadey la arko fadeexada maalin kasta isi soo taraysa.(apathy, analysis, answer and action needed to widespread corruption and the daily unfolding scandals). sida caadiga ah dawlad marka ay ku fashilinto fulita waajibka shaqo, lumisana kalsoonida shacabka waxay ku Kacdaa in ay dhaqaalayso nafteeda iyo inta u dhaw, oo ay siiso xanaano khaas ah, xoolo, dhul iyo guno xad dhaafa (privilege,perk and pay) deetan ay ku wareejisaa puppet regime (tails daba dhooli ah) ama kuwa sii ilaaliya danahooda gaarka ah. dabool saara ceebtii, tirtira raadkii. taas oo ugu danbeyn lafteeda calaf iyo cimri seejisa, si dhaqsa ahna u dhacda. ama u hor seeda in ay talaabo qaadi kari waydo kalsooni la’aan iyo karti daro awgeed.
sida la ogyahay xukuumadii hore wax ay jabisey axdiga qaranka dhaw jeer in ka badan si xil kas nimo la’aana. taasoo jaah wareer ku reebtey dalka (incompetence and misleading).
– marka hore axdigii (constitution ) laga dhaxley ahn ina cagaal laftiisa ayaa hun, duug iyo fadhiid noqdey(not fit for purpose). kadib markii lagu dhaqmi waaye. Isla markaana horumar iyo dib habayn,, wax ka bedel iyo kaabis laga hagradey marxuunka dabadii. hadaan ula kac loo yeelin ama qasad kale laga lahayn. dumal nin ka xishoodey kama dhalo. . waliba sidiisii laguma dayn dabcin. qaloocin, jabin jilcin iyo kufsasho (broken, bent, fixable and rape) ayaa Lagula ka-cay si loogu qumiyo muraad iyo dan wixii kolba soo wajaha.
-ugu horeyn waa la dabciyey si xamar loola hadlo. taasoo dadka been si ula kac ah loogu sheegey in aqoonsi ku jiro. xaqiiqdu waxay ahayd in laga raadiyo malafsi iyo mashaariic run iyo kuwo been abuura mid ka ay doonaa ha noqdeene. Isla markaana looga badbaado cuna qabateyn iyo cadaadis uga yimaada beesha caalamka. wada hadalka imikana waxba kama duwano ujeedadii odeygii hore ee marin habaabiska ahaa ee waxba ayaan aqoonsi shacabka lagu abaa-abbeyn ama sa-sabin awrkii cirkaan xalay arkey oo aan aqoonsi moodoo mudo ku ag waregee. ayaa gar gaar ka caalamka laga helo iyo xaqulaha carabta lagu lunsadaa. habar dhali waydey aleelo ku waalaatey xaalku u ekaa.
-waxa la jabiyey qodobka sedexaad oo sheegaya in xeer yo sharciga diinta islaamk wixii garab marsan xaaraan yihiin. sidaad ogtihiin waa qarankii ugu horeeyey oo muslim ah oo madax wayney khaniisiin (guy & lesbian) ku qaabiley madaxtooyada sababo riqiisa awgeed Isla markaana u fasaxay inay kaniisado (churches) ka dhistaan hageysa. institute iyo hospital ku lug leh arintaa waa la sheegay. si ay hawlo ugu fushadaan. maalin taas kadibna sida staticis ku cad waxa kor u kacay tirada darooga soo gala wadanka. oo si joogta ayaa loo arkaa ama maqlaa waa la qabtey iyo waxa la gubey wine, whisky iyo beer (farsha) ama noocyo kale. guud ahaana khamriga iyo mukhadaraad ayaa caadi noqdey oo cashuur iyo macaash badan laga helaa hawl maalmeed iyo wax qabadka ugu wayn ee police ayey ka mid noqotey. oo wasiirka arrimahaas ku shaqle gadhigiisa ayaa lagu qabtey iskuna dayey inuu difaaco waxaas oo dhan sacab dawladeed ayaa la saarey (covered up). maadaama, xilal sar sare loogu dhibey qaraabo kiil iyo musuq liitti iyo lugooyo aan kala garan Karin dan iyo dibin daabyo (advantage or disadvantage) waxa wadanka u ugu jira arintan foosha xun . taladaas foosha xun waxa ay mideysey mucaarid, muxaafid, fadraalaka, cadawga s.land iyo caalamka islaamka mr.silaanyo doing so he created unrepresented and unlikely coalitions of people opposed to his rule) waa mid halis ku ah ixtiraam(respect), dulqaad (tolerance) iyo (decency) ceeb ka saliin ah ama dad ahaan nadiif ah decency ee loo hayey isla markaan meesha ka saartey aamin, iimaan iyo niyad wanaagii lagu tuhun sanaa ee looga bartey xiligii xisbigii Udub iyo hogaamiyihii. Dahir Riyaale.
-qaloocin, wax ay sabab u taahay in la iska ilooba heshiis iyo af garad wixii beelahu soo galeen oo lala soo baaxo hadhaagii snm looguna magac darey Madasha. Isla markaana kuwii la midka ahaa wali aasan yihiin sida ssc, sda, makhir, sdu iyo intii kale. halkaa hadii aan ku hakado. maadaama la joogo sanad guureeday 27aad maalintii ay snm xasuuqa ka gaysatey awdal. waxan marka hore tacsi u dirayaa guud ahaan wixii dagaaladii sokeeye ku dhintey. gaar ahaan reer awdal. waayo kuwii la mid ka ee snm geeridii waalid kooda iyo ehel-ba oo leh maalin la xuso oo loo faata xeeyo. waa looga graabey ama garwsho, garaado iyo guno (sympathy and empathy) ayey ka heleen. reer awdalse mag iyo mawlaxo ha sheegin xitaa in la xasuuqay lama sheegi karo. waxayse ila tahay in la gaadhey xiligii sida beesha dhaxe oo kale la soo ururin lahaa lafaha maytidii ahn iyadoon mashruuc laga dhigan. si loogu aaso xabaal wadareed(Taalo) ama lagu daro qabuuraha ahn maayar koodii maxamed xasan maaful (to give them degnfied and proper burials). dabadeed si sannad kasta loogu sameeyo xus baroor diiqa ah inta aan noolnahay. jiilasha dambana cashir ugu noqoto. caruurtii iyo dadkii waayey kuwi ay jeclaayeen ee reer awdal nightmare ama sas waxa u dheer wadkii dadkooda laayey ayaa wali seeftii kor haysta. oo haduu doono cidi qisaasin ama qaban. sida horey u dhacdey. loona sameeyey xabsi laba albaab leh oo markuu dhawr maalmo ku jiro xaga dambe laga saaro sidii arga-gixisada Cawar xareed iyo suldaan ku sheeg Sabayste. horay ayaa loo yidhi wixii aabahaa dilay adigana waa ku sababaa (similar fiat). waliba waxa u sii dheer agoonka dadaala daba gal, censorship (faab-reeb) xoriyatal qawlka oo laga qaado iyo xabsi ayuu mutaa sida wariyihii geesiga ahaa ee caalamka tusey in rooxaantu barto dhalinta iyo dhalaanka reer awdal hees, hibo iyo hidde wixii uu lahaan jirey qarankii soomaliyeed walina ku taamayaan in mar kale la helo hadii alle idmo. mar haday soomaali land noqotey maadaysay ay beesha dhexe matalayso. halka kan lagu ju-juubey ay garan waayeen heestiisa.. jeclaw ama nac wuxu ku hayaa ama dareemayaan habaw, cidhiidh, cabsi, iyo jaah wareer. (like or dislike it they are feeling lost, confused and scared . that is the true feeling and desperation of awdal youths). waxaro qoor qabad biyo kuma cabaan. waxa aan qabaa in ay tahay genuine concern. waayo waxay ogyihiin in hostage loo haysto ransom aqoonsi lagu helo sidii tii hore (djbuti) ee ay u soo dhinteen la raafi doono. markanse xegee loo masaafurin weeye is waydiintu? maxaa u damaanada?
Maadaama ay soo rogaal celisey snm iyagoo og wixi dhib iyo daal (bacda shida wa tacab) loo soo marey nabad iyo wada noolaasho. walina nool yihiin kuwii xasuuqa gaystey waa xilgii farta lagu fiiq lahaa (name and shame) ama shaciga la hor keeni lahaa. isla markaana dawlada somali land statate la waydiisan lahaa national and international apology ka bixiso arrintaas.. hadaan dib ugu noqdo dariiqa iyo meeshii aan u gol lahaa. Madashu waa koox gacan ku dhiigle, af ku dhiigle iyo uur ku dhiigle iskugu jirta oo imika fadhi ku dirir noqotey oo waxa ay doona yaan la garan waayey. soomaali ayaa tidhaa ninkii wax walba diida wax uu doonayo ayaan jirin. or white man says a logical problems have a logical solutions but emotional problem is not. dhibaatda macquulka ah xal maqcquul ayaa loo hali karaa. lakiin damuuc, damac iyo jamasho maya xal male. wana ta inoogu waca dhibaatada mudada dheer soo jiitamaysa ee dayrada inaga dhigtey.. kadib markii ay badankooda mar iyo labo ka badan fashil awgeed shaqda looga eryey. xil gudasho la’aan, huguri xumo, , cabsi, iyo caajiz (greedy, fearful and idleness). xataa qaar xukun ku dhacay oo jeelkii soo dhamaysan wali. odey silaanyo oo khabiir ahaa si aysan staring ama shookaanta ula qabsan wuxu fahmayey raadka xun, raawiska maskaxda iyo rafaadka dagaal oo dhan laga dhxlo (post war syndromes & tormente) maqaam lagu mirqaamo. isla markaa foox iyo taxaliil laga heli karo ayuu kireeyey. dhakhter uu ka bixiyo iyo guno bilassha ayuu u qorey. markii xilka uu baneeyey waxa moodaa in ay power vacuum dareemeen maadaama uu colonel muuse kaga dhabeyn waaye hanjabaadii gole ka fuulka ahayd. si loogu arko xibiga afraad waxay fara galin ka bilaabeen siyaasada arrimaha dibada gaar ahaan wada hadalada oo go’aan hordhaca ah iyo fariinta ay u sii dhibeen tahay ilaa aakhiro la isma cafinayo. ciil kama kore iyo calooshii la ciyaar ayaa dad ugu liita. waxayse is waydiiintu tahay hadii ay beesha caalamka iyo dawlada fadraalka wakiil ugu noqdeen ummada oo dhan. hadaba aakhrina ma snm ayaa loo daba fadhiisan doonaa?. taasi waa xagjir xad dhaafa (right-wing extremist). sida al-shabaab. kuwaas oo kale dalalka aan kaga dayaney democracy mamnuuc ayey ka yihiin.. waxa la gaadhey xiligii uu madax waynahay cusubi muruqiisa dadka tusi lahaa oo uu kala diri nimanka kala qaybin, qalalaase iyo qo-qobka (divisive and discriminatory) dadka kula dhax jira. sidoo kale please ku dar abawaanada jeegaanta ee ku faanaya in ay laba mushaar wasiir ka qaataan . mid kalana warsaarada warfaafinta. xili ay masaakiinta cashuurta bixisa sicir barar iyo abaar la il daran yihiin. iyadoo la ogaa in shalay qarankii soomaaliya in lagu dumiyey hinaase ahn Yam-yam iyo Idaajaa oo loo qabay in sidooda oo kale loo naasnuujin jirey oo quud, qaxwe iyo qaad ka dhigteen dakhligii yaraa ee ummadu wada lahayd. dhanka kale ma digasho ayey u arkaan mise aar goosi fanaan niintan baahida iyo balwadu geeysey xamar ee la baac sanayo sidoodii oo kale iyo kuwan la jooga ee baahida, bisaarada iyo baxnaan la’aan uga cabanayo hospitals. maxay ugu gurman waayeen?
. waxa la Isla dhax marayaa hadii ay dulmi ka qalin jireen. bal ha iska iloobaan beelaha darifyada oo iyagu markey dhugteen beesha dhexe guda heeda dulmiga ka jira yidhi mar waa quus, marna waa qudh gooyn. maxay uga hadli laayihiin dulmiga beesha dhexe ka dhex dilaacay (marginalised klans and singled out community) gaar ahaan jufadan inta laga boobey vote kii iyadoo dadkeedii la xasuuqay hadana jeegaantu jiif iyo jooga u diidey. lagna hortaagaan yahay in ay shirkii gar-adag oo kale qabsato. allaa ina lahe cimaamada ayaa ka dhacdey kuwaas iyo wixii la mida.
mundane m/Wayne waxan ugu baaqayaa. si dadku ugu dhiirado xukunkaaga. waxa loo baahan yahay in aad gunada xaaraanta ah iyo kharashka ku baxa kooxahaas iyo wixii kale ee hantida ummada la lunsaday ku soo celiso qadnada dawlada si wax looga qabto abaaraha iyo baahida faraha badan ee jirta. iskuna day inaad tus-did reer soomaali land oo dhan in loo siman yahay fursada shaqo, sharci iyo sharaf(equal opportunities) isku mid u qiimee, danee , abaal mari, dareen iyo qasad is jaceyl iyo midnimo leh ayaa horu mar lagu gaadhi karaa.( motivate others shaw you care, recognise, reward equally and build a sense of purpose worthy and community. compassion, unity and sharing is the only way forward.
iga filo qaytii afraad,:
oo aan uga hadli doona sida dastoorka loo jilciyey(flixble). xisbiyada iyo arrimo kale.
allaw lajir somaaliland.
.freelance journalist
caynaan1990@gmail.com