Safriirka Itoobiya u fadhiya Dalka Ingririiska oo qaabilay Haldoorka Harawo iyo Madaxda urur siyaasadedka JDP

London(SBN)- Safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Ingiriiska Feseha Shawel Gebre  ayaa kulan heerkiisu sareeyo la yeeshay Haldoorka Harawo iyo Madaxda Urur siyaasadeedka JDP. Kulankan oo ahaa mid Haldoorka Harawo ee dalka Ingiriisku ka dalbaday safiirka ayaa lagaga hadlay guud ahaan arimaha ka taagan kililka 5aad gaar ahaana gobolka Harawo, iyadoo si gaara diiradda loo saaray dhacdadii Liyuubolisku dadka rayidka ah ku xasuuqay qabalaha Xajiin oo hoostega degmada Awbare.