Shirka EPRDF ee bari furmaya waa mid kuwii hore kaduwan waxaana gabi ahaanba meesha kabaxay is aaminaadii yarayd ee itoobiyaanka dhaxtiilay

1:sanadkii malabka ee Oramada iyo amxaradu wuu dhamaaday

2:Tplf oo lays lahaa mudo yar ayaa lagaga takhalusina waysiiba xoogaysatay oo wax Gobolkooda gala walawayay
3:xidhiidhkii amxarada iyo tigraygu wusii xumaaday lkn inay Oromo umidoobaan waxba kuma ah
4:Shucuubta Koonfureed oo markii hore oramada lasafnayd waxay toos ulasafan tahay Amxarada oo dadkii Qowmiyada Shucuubta Koonfureed ee oramadu soo qixisay waxaa caawiyay qowmiyada Amxarada saas ayayna shacabka Shucuubta konfured amxarada dhinaca usaareen.

5:siyaasada abiye axmad gudaha Itoobiya wuuku fashilmay marka laga Reebo inuu Maxaabiistii siyaasadeed siidaayay wadankana furfurnaan xoriyad hadal kadhaliyay hadana waxaa cirka iskusii shareeraysa colaadii iyo kala fogaanshihii qowmiyadaha Itoobiyanka ah
6: nabadii Itoobiya Eritrea lafteeda ayay caalamatul suaal saarantahay waxaana xidhan xadka labada wadan udhaxeeya
7:saamayntii siyaasada Itoobiya ee geeska afrika ayaa hoos udhacday Itoobiyana waxay noqotay wadan isagu gurmad iyo nabad ilaalin ubaahan iskadaa inuu wadamada geeska africa far ugu yeedhee,
8:Tplf, kooxo amxaro iyo Oromo ah ayaa qaba in wadanka meelxun loowado waxayna leeyahiin abiye Ahmed waxba ma hogaamin karee aan wadanka badbaadino waano kooxo xoog badan oo abiye karkaarka waydaarin kara

Warar hoose ayaa sheegaya in jawaar Mohamed iyo tigrayga wadahadal dhaxmaray sidookalana madaxwaynaha cusub ee maamulka Amxarada ayaa isna taxaalufkaas kujira lasheegayaa

Dhanka kale waxaa jira khilaaf udhaxeeya qomiyadaha oramada dhaxdeeda gaar ahaan ururka OPD waxana lasheegayaa inuu kala safan yahay gudoomiyaha xarunta dhexee oo OPD ayaa kasoo horjeeda siyaasada abiye Ahmed iyo Lemma Megersa waxuuna taageero kahaystaa kooxo aan Oromo ah iyo kuwo aan oromo ahayn oo isbadal doon ah.

Khilaafka oramada iyo amxarada ee magalada adis ababa ayaa meelxun maraya waxana jira kala.shaki iyo xulufo urursi Oromada ayaa leh adis ababa waa magaalo Oromo halka amxarada ,tigrayga ,Shucuubta konfured iyo Dhamaan Shucuubta kalee Itoobiyanka ahi qabaan in adis ababa casimada Itoobiya tahay cidnana sheegan karin (adis ababa weeye meesha khilaafka Itoobiya basiin kusii daraysa)

Tigrayga ayaa kudoodaya Oromo dalka way qastay faraha ayuuna kabaxay waana in laga gaadho waxana soobaxaya siyaasiyiin badan oo amxaro iyo Oromo ah oo aan ladhacsanayn qaabka abiye iyo team Lemma wax uwadan

Abiye Ahmed ayaa wada qorshe uuku doonayo inuu Eprdf kubaladhiyo kunasoo daro ururada bahwadaagta ah Sida Somalida canfarta Gambellaha herarida, lkn ururada Eprdf kubahoobay sida amxarada tigrayga iyo Shucuubta konfured arinkaas ma ogolo waxayna u arkaan inay Oromo iskubalaadhin hayso awood cusub ootii tplf 1992dii samaysaytay mid la mid ahna samaysan hayso marka hakasna khifaaf xoogan ayaa kajira

Sidookale waxa laysku hayaa Doorashooyinka Itoobiya ee 2020ka waxaana soo baxaysa in dib loodhiigi rabo Balse tigrayga Amxarada iyo inta badan siyaasiyiinta Itoobiya ayaan rabin in dib loodhigo

Arimaha xuduudaha iyo jinsiyadaha ayaa iyaguna bari siwayn laysugu qaban doonaa waxana kamid ah Adis Ababa

Tplf ayaa qabta in qowmiyad ahaan loo beegsan hayo halka amxaro qabto inay Oromo balankii uga baxday Siwayna xukunka iyo khayraadkiiba kaligeed isoogu koobtay

Dhamaan shucuubaha kale Itoobiya kuhoos dulman sida Somalida ayaa iyaguna qaba inaan waxba loo reeban oo Oromo jidkii Tigrayga qaaday

Sidookale wadamada Reer galbeedka ayaa walaac wayn kaqaba siyaasada arimaha dibada Itoobiya gaar ahaan xidhiidhka abiye Ahmed shinaha la leeyahay eessii xoogaysan haysa waxayna xanaaqsanyihiin heshiiska Itoobiya shinaha lagashay ee shidaalka gobolkeena kusaabsan.

Dhanka Somalida abiye Ahmed iyo oramadu waxay qabaan inayna Mustafa Omer iyo kooxdiisa lashaqayn karin halka Axmaaradu aad uladhacsantahay Mustafe