Aragtiyaha Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee ku aaddan sida uu rabo in uu Somaliland horumar ku gaadhsiinayo waxay ahaayeen kuwo aan lahayn isbeddel iyo kolba-meel-u-bood ilaa wakhtigii ololaha.  Wuxu marar dhawr ah xusay in ay diirraddu u saaran tahay arrimaha amniga, dib-u-habaynta dhaqaale ku salaysan wax-soo-saar (beeraha, xoolaha, kalluumaysiga), maamul-wanaagga, la-dagaallanka musuqa iyo wanaajinta nolosha dadka, gaar ahaan dhallinyarada oo loo abuuro shaqooyin.

Marka la eego himilooyinkan uu Madaxweynuhu ku celceliyo, waxa la odhan karaa waxay isku aragti dhaw yihiin hoggaamiyeyaal dhawr ah oo ku guulaystay in ay waddamadooda oo dib u dhacsan ku sameeyaan isbeddel horseeday horumar dhaqaale. Waxa ka mid ah Lee Kuan Yew (Ra’iisal-Wasaarihii Singapore), Mao Zedong (Hoggaamiyihii China), Mahathir Mohamed (Ra’iisal-Wasaarihii Malaysiya) iyo Males Zenawi oo raadkiisii qoyan yahay. Aragti in la jeexaa waa tallaabada koowaad ee horumarinta, laakiin halka lagu kala baydho uguna muhiimsani waa sida aragtidaa loogu beddelo ficil loogana midho dhalliyo. Waana hawl adag.

Hoggaamiyeyaasha aynu soo xusnay oo lagu tiriyo in ay aragtiyahoodii ku guulaysteen dabcan shakhsiyaddooda iyo hab-dhaqannadoodu waa ay kala duwanaayeen, waxase jiray ugu yaraan saddex arrimood oo ay ka sinnaayeen loona arko kuwa suurto geliyey raadadka ay ka tageen.

Ta koowaad, waxay lahaayeen xafiisyo ama guddiyo ku foogan dejinta istiraatijiyadaha muddada fog, kumanay dhaqaaqi jirin kolba wixii maskaxdooda ku soo dhaca. Iyagoo garawsan mashquulka xad-dhaafka ah ee masuuliyaddu ku keentay ayay samaysteen guddiyadaa aan fulinta ka midka ahayn oo qaabilsanaa odoroska mustaqbalka, furdaaminta caqabadaha loo taag waayo ee ku gudban hayaanka horumarinta iyo jihaynta dadweynaha; waxayna si joogto ah u soo saarayeen warbixino lagu qiimaynayo isbeddellada socda iyo xaaladda horumarineed. Waxay sidoo kale dejiyeen khariidado ku dhisnaa cilmi-baadhis iyo aqoon oo ay madaxdaasi ku gaadheen aragtiyihii ay ummadda u bandhigeen. Si kale haddii loo dhigo, waxay ahaayeen  muraayadda ay hoggaamiyeyaashu ka dhex arkaan sida ay u fulayaan siyaasadahooga iyo aragtiyahoogu. Xafiisyadaa waxaynu ka xusi karnaa Komishanka Dib-u-Habaynta Shiinaha “The National Development and Reform Commission “NDRC” (China) iyo Komishanka Casriyeynta iyo Maaraynta ee Malaysia “Malaysian Administrative Modernization and Management Planning Unit “MAMPU” (Malaysia).

Ta labaad, waxay qaateen oo dabaqeen hannaanka horumarinta ee ku salaysan caddaymaha iyo natiijooyinka la cabbiro ee af-Ingiriisiga lagu yidhaa “Evidence and results based development.” Peter Druker oo loogu yeedho aabaha maamulka casriga ah wuxu yidhi “Haddii aanad cabbiri karayn natiijooyinkaaga, horumar ma samayn kartid.”

Waddamada ku caano maalay nidaamkan waxa ka mid ah Shiinaha oo hadda fuliya qorshihii 13aad oo mid waliba ka koobnaa 5 sanno. Itoobiyana waxay fulisaa qorshe la yidhaa Istiraatijiyadda Koritaanka iyo Isbeddelka oo shantii sannaba mar la jadiidiyo. Labaduba  waxay ka mid yihiin dalalka koritaanka dhaqaalaha calanka u sida qaaradaha ay ka tirsan yihiin. Nasiib wanaag, Qorshaha 2aad ee Horumarinta Qaranka Somaliland oo fulintiisu bilaabantay sannad ka hor mabaadii’dan wuu ku dhisan yahay. Laakiin sidii qorshii isaga ka horreeyey wax badani ka fuli mayaan haddii aan ahmiyaddiisa la siin, la abuurin guddi korjoogaysa, miisaaniyadda qaranka la waafajin, dhaqaale aan loo helin, isla markaana aan la meel marin isbeddellada loo baahan yahay si uu u fulo.

Ta saddexaad, waxay dhiseen hay’ado iyo madax wax-ku-ool ah oo udub-dhexaad u ah horumarinta dalka. Waxay diyaariyeen dad karti, aqoon iyo xirfad leh kuwaas oo noqday mishiinkii dhaqaajiyey isbeddelladii la rabay. Jim Collins oo ka mid ah khuburada daraasaysa hoggaaminta wuxu yidhi “Great vision without great people is irrelevant” oo macnaheedu yahay “Aragti sare oo aan wadan dad wax-ku-ool ahi waa bar-kuma-taal.”

Sidoo kale hoggaamiyeyaashaasi waxay meesha ka saareen hay’adihii dulsaarka ahaa ee miisaaniyad ay kharash-gareeyaan mooyaane aan waxtar qaranka u lahayn iyagoo dhinaca kalena kobciyey awoodda iyo kartida hay’adihii badhitaarayey isbeddellada ay wadeen, kuwaas oo waddamada soo koraya badankoodu aanay muhiimad siin. Waxaa ka mid ah xafiisyada iyo hay’adaha qaabilsan maamul-wanaagga, tayaynta shaqaalaha, koboca dhaqaalaha, istaatistikada qaranka; isu-duwidda iyo wada-xidhiidhka laamaha dawladda.

Qodobkani wuxu ka mid yahay meelaha dalkeenu aadka ugu liito. Tan iyo intii ay Somaliland jirtay hay’adaha dawladdu waxay ahaayeen qaar hawshooda gaar u kala wata, madaxda hoggaamisaana waxay u dhaqmayeen qaab nin iyo naftii ah.  Taas oo meesha ka saartay iskaashigii, xog-wadaaggii, wada-shaqayntii iyo is-jihayntii. Haddii sidii hore ay wasaarad waliba hawlaheeda gaar u wadato iyadoo aan ka warqabin wasaaraddaha kale hawlaha ay wadaan, way adkaanaysaa in jiibta iyo jaanta la isla helo oo la xaqiijiyo himilooyin cusub. Taas oo macnaheedu yahay haddii sidii loo dhaqmi jiray loo dhaqmo, waxaynu ahaan doonaa wixii aynu ahaan jirnay.

Ugu dambayn, waxa muhiim ah in aynu ogaano isbeddelladan aynu ka hadlaynaa in ay yihiin qaar wakhti dheer u baahan oo ay dhici karto in aanay ku wada fulin 5 ama 10 sanno. Waase lagama-maarmaan in uu Madaxweynuhu bilaabo inta uu ka gaadhi karana meel mariyo. Isbeddellada qaarkood waa uu bilaabay sida dhallinyar aqoon leh oo uu magacaabay, haya’do uu mideeyey iyo nidaamka dib-u-habaynta shaqaalaha dawladda oo socda. Waa bilaw wanaagsan laakiin kuma filnaan doonto marka la eego baaxadda hadafyada la hiigsanayo.

Waxa loo baahan yahay isbeddelo joogto ah oo sal iyo baar ah kuwaas oo diirradda saaraya muddada fog si aanu arrinku innooga noqon seeto-socod ama dab-demis. Waxa loo baahan yahay in la abuuro xafiis/guddi aan fulinta ka mid ahayn oo madaxweynaha kala shaqaysa dejinta khariiradadda loo marayo hadafyada qaranku hiigsanayo.  Waxa loo baahan yahay in siyaasad wal oo la fuliyo iyo shaqooyin kasta oo la qabanayaa ay noqdaan kuwo ay daraasado hagayaan, natiijooyinka ka soo baxaana ay noqdaan kuwo la cabbiri karo ama la qiimayn karo.

Waxa kale oo loo baahan yahay in la xoojiyo ahmiyadda la siinayo tayaynta madaxda iyo shaqaalaha dawladda iyo in lagu dedaalo guud ahaanba meelmarinta mabaadii’da maamul-wanaagga sida wada-xisaabtanka, musuq la’aanta iyo sarraynta sharciga sidii uu madaxweynuhu ballan qaaday. Dhanka kale waxa loo baahan yahay in shacabku xukuumadda ku garab galo dedaallada horumarinta iyo dhaqaale-kobcinta. Haddii kale xaalkeenu wuxu ku sifoobi doonaa murtidii Yuusuf Aadan Xuseen (Allaale) ee ahayd:

Darandoorri saan-qaad,

Dib u soco hore u soco,

Hore iyo dib ba u soco,

La-da’ weeye taagnoow,

Maxaa daal la taransaday!

Kala xidhiidh qoraaga: ahmedyasinmx@gmail.com