Siyaasiyiinta iyo Activist-yaasha Oromada ee mamulkoodu dabada kariixayo ayaa siwayn usoo dhoweeyay waxay kusheegeen dib usoo celinta ama Qabsashada Harar oo xarumihii mamulka Hererida ay lawareegeen Oromadu.

Baraha bulshada waxaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay kasocday Bogaadin, soo dhowayn iyo dhiirigalin laxidhiidha, arinka magalada Harar oo sida ay sheeganayaan ay dhamaan xarumihii dawlada kataagan calankooda, iyaga oo kudoodaya in Harar ay ahayd mid kooxdii TPLF ay si kuxumayn ah uga bixisay Gacanta Oromada ayna state uga dhigtay dadka Adarida ama Hererida ah.

Hadaba waxaan Jeclahay inaan Halkan idiinku soo Gudbiyo mid kamida siyaasiyiinta Oromada oo soo dhowaynaya arinkaasi, sidoo kalana ku Hanjabaya inay xigi doonaan magaloyinka Diridhaba iyo Moyale oo iyaguna Gacanta mamulka Oromada dib ugu soo noqonaya waxaanu yidhi.