Hargeysa (SBN) Somaliland ayaa waxaa ay kooxda qaramada midoobey  u qaabilsan dabo galka Cuno qabateynta hubka ee saaran Somaliya iyo Eretria  ku tilmaantey koox qawlaleysato ah isla markaana laaluush qaadata .

Sidaas na waxaa sheegay wasiirka gaashandhiga Somaliland Ciise Axmed Xawar oo ka jawaabaya war bixin ay dhawaan  kooxdaas soo saartey oo ay ku sheegtay inay Somaliland jidh dil u geysatay maxaabiistii Puntland laga qabtey ee dagaalka Tuko-raq waxaana uu yidhi

“  Qoladan Warbixintan qortey wax macno ah noo sameyn mayso balse waxay noola muuqata qolo iska qawlaleysato ah oo meel uun wax ka xuuraansadey ama dad khaas ahi ay wax u dhiibteen  “  ayuu yidhi Wasiirku