Suldaanka Qurba Jooga Soomaliland Suldaan Mahdi Cabdi Ibraahin Isagoo Ku Hadlaaya Magaciisa Ka Qurba Jooga Soomaliland Waxa Uu Tacsi Tiiraanyo Leh U Diraayaa Aqoonyahanka ,Qoyskii ,Qaraabadii ,Ehelladii , Iyo Shacbiga Reer Soomaliland Ee Uu Ka Baxay Ilaahay Naxariistii Jano Ha Ka Waraabiyee Marxuum XUSEEN JAAMAC SAMATAR (XUSEEN DHEERE) Oo Ku Geeriyooday Maanta Oo Ay Taariikhdu Tahay 20/12/2018 Dalka Itoobiya  Marxuumka Oo Ka Mid Ahaa Saraakiisha Xafiiska Xisbiyada Guud Ee Qaranka Soomaliland .

Suldaanka Guud Ee Qurba Jooga Reer Soomaliland Suldaan Mahdi Cabdi Ibraahin Waxa Uu Si Gaara Uga Tacsiyadaynaayaa Geerida Naxdinta Leh Ee Ku Timiday Marxuumka Suldaan Ibraahin Jaamac Samater Iyo Dhamaan Qoyska Reer Jaamac Samater Meel Ay Dunida Dacaladeeda Ka Joogaanba

Suldaanku Waxa Uu Marxuumka Alle Uga Baryaaya Inuu Naxariistii Janno Ka Waraabiyo ,Madax dhaqameedka Waxgardka , Aqoonyahanka , Qoyskii Iyo Ehellada Uu Ka Baxayna Samir Iyo iimaan Saadiqa Ka Siiyo

Aamiiiiiin    Aamiiiiiiiin     Aamiiiiin