Heshiiskaan ayaa dhigaaya in dowladda Itoobiya saami ku yeelato dekadda Dooraale ee laga caydhiyey Shirkada DP World oo laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta &  in maalgashi ay ku sameeyaan shirkaddaha ganacsi ee dalka Itoobiya.

Booqashadii ra’iisul wasaaraha Itoobiya  Abiy Ahmed uu ku yimid Jabuuti ayaa heshiisyadii uu saxiixay qeybta ugu weyn ay tahay heshiiska Dekeda Dooraale, waxaana dhanka Jabuuti u saxeexay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Telefishinka Itoobiya oo laga baahiyay heshiiskaan ayaa waxaa la filayaa in sida ugu dhaqsaha badan u dhaqan galo si loo bilaabo maagashiga balaadhan ee Itoobiya balan qaaday.

Dowladda Jabuuti ayaa dhawaan ka baxday heshiis horumarineed oo ay kula jirtay shirkadda DP World ee Imaaraadka, taasoo ku laashay markii ay ku cawdeen inay DP World kasoo bixi weyday heshiiskii horay loo galay.

Itoobiya aya sidoo kale, saami 19% ku leh heshiiiska seddax geesood ee dekadda Berbera oo ka dhaxeeyo Imaaraadka, Somaliland iyo Itoobiya.