Iyada oo ilna isku haysa midna dirqi ku kala qaaday ayay haabanaysaa telefoonkeeda gacanta oo sariirta dacal ka saaran. Waa abbaarihii lixdii subaxnimo. Goortii ubadka dugsiga loo diri lahaa waxba kama hadhin. Salaaddii subax wali way gaadhi kartaa, laakiin iyada xisaabtaba ugu ma jirto. Cabbaar markii ay sariirta dul jiiftay, waata hadda daalacanaysa ee ku mashquulsan qoraalada iyo sawirada baraha bulshada lagu baahiyey. Xalay goor danbe oo ay sii seexanaysay ayay sawir shidan soo dhigtoo, waxay u kulushahay inay aragto falcelinta dadka ay asxaabta ku yihiin dhawr degel oo ka mid ah baraha bulshada.
Si hal-haleel ah ayay caruurtu baskii dugsiga ku gaadheen. Qaarkood haddii aanay quraaca ka cararin basku waa ka tegi lahaa. Danbaase ku qasabtay inay safrad ku kalahaan. Inta basku ka tegay ee laga daba geeyey ama aanay dugsigaba tagin tiro iyo cadad ma leh.
Imtixaanaddii sanad dugsiyeedka ayay ku jiraan oo dhiirigalin iyo inay waalidku la sheekaystaan ayay u baahnaayeen. In la dareensiiyo in la barbar taagan yahay ayaa niyada u adkayn lahayd. In taageero iyo duco waalid loo gunto ayaa u noqon lahayd tamar ay ku jiidhaan duruufaha ku xeeran. Ha yeeshee hooyadii qoysku, telefoonkeeda gacanta ayay ku mashquulsan tahay. Daqiiqado inay indhaheegu ka jeestaan ayaa karaahi ku ah. Cabbaar inuu gacanteeda ka baxo ayaa buur ku ah. Way ku dan seegtay, qoyskuna waa ku dan seegay. Baylah badan ayaa ka daranyaysan, ubadkuna way eedeen  telefoonkaas yar ee aanay marnaba gacanteeda ka dhigayn.
Aabihii reerka miyaad iswaydiinaysaa. Hayaay, isagu wuu jiitay oo waa fog yahay. Duruufta marwada aynu ku sheegnay ayaa sahaala noqonaysa haddii aan isaga xaalkiisa iftiimino. Yeelkadiise, aan daaha ka qaadno wuxuu ku sugan yahay. Shalay ayay saaxiibkii oo isna sidiisa qaad qamax ah is heleenoo, ilaa waa dhawaadkii ayaa la qayilayay. Wax yar waaberiga ka hor ayuun buu dayrka ka soo dhacay, haddana waa gataati dhacsan yahay. Hadal ma rabo saacaddan; haddii la toosiyana, tu la og yahay ayaa ka dhici. Marwada reerku camal xummadiisa ayay taqaanaayoo, badihiisa ma gasho, xataa haddii daad qaadayana. Meelahaas barqada ayuu quraac u kici, ka dibna hurdada ku celin ilaa duhurka. Goortaasi ayuu isaga oo falaad badan qaba soo kici, ka dib na u sii luudi meeshii baasayd ee lagu qaaday ee ay ku qayilayeen. Isagu meertadaas nolosha ee iska daba wareegaysa ayuu ku jiraa. Subax hore intuu kaco waligiiba ma shaqo tagin, mas’uuliyad qoysna ha ba sheegin. Ubadkiisa inta ay is arkaan ayaa yar; xaaladda ay ku jiraana- xummaan iyo sammaan, daryeel iyo darranyo, xanuun iyo caafimaad- wuu moog yahay oo waxba kalama socdo. Hooyaddii oo dhib la og yahay ku soo korisay ayaa haddana ubadkiisa korisa. Goortii ay isaga korisay ee ay kaalin galisay, halkii uu ka nasin lahaa ee uu ka daryeeli lahaa ayay kaalin kale oo uu gabay ku soo banaanaatay. Kuwaas yaryar ee ay ayeeyda u tahay korintooda iyo quudintooda ayay bacadka u fadhiisataa. Maalin- kariska ay ubadka u soo xarbido ayuu isagu dulsaar ku yahay oo waliba qayil ka rabaa.  Qoondo go’an ayuu ku leeyahay si uu qalbigiisa qaadka ku mamay, qeybtiisa ugu helo. Waa qoondo qasab ahoo, haddii la siin waayo, qalalaase ayuu qoyska galinayaa. Marwadu ma moogganna dayaca dhinaca saygeeda ka yimid, waxayse doorbiday inay waayaheega laabteeda ku haysato; ubadkeedana iska korsato. Hooyada lafteedu way garanaysaa inaan xaq loogu lahayn laba korsiin iyo shaqadan dani ku baddayga ah ee ay ku sii talax gabtay, laakiin xil ninkii ku beegnaa gabay ayay buuxi isleedahay.
Marwadu iyadu waxaan danseeg ahayn way ka ladan tahay. Ubadkeeda daranyada way ka jirtaa balse wax badan oo ay qaban lahayd baraha bulshada oo ay aad ugu xidhan tahay ayaa dhaafiya. Haddii ninkii reerku kaalintiisii gabay, ubadka inay u xoogsato way lahayd; waxayse ka jeceshahay inay faysbuug kala sheekaysato ku ay garanayso iyo dad aanay is garanaynba. Sida sawjdkeedu qoondo qayil uga rabo maalin xarbiga maamada, ayay iyadna  u shaxaadaa biilka maamadu soo xarbido. Si kasta oo duruufuhu qoyska ugu adag yihiin, diyaar uma aha inay kharashka joogtada ah ee  ku baxaya isticmaalka baraha bulshada ubadkeeda dartood uga tanaasusho. Iyada oo guriga dhex joogta ayay haddanna maqane xisaabsan tahay.
Ubadka halkaasi ku barbaaraya waxa ficil ahaan loogu qurxiyaa inta tiraab ahaan looga waaniyo.  Tacab nacaybka, xilkasnimo darada iyo danseegga  ayay waxbarashada iyo inta mudan oo dhan ka hormarin doonaan.  Qaadka iyo qaadirada ku lammaan ayay ragganimo  la gaadho u arki doonaan; markaasay qayrkood ka hadhi doonaan. Qaran qoysaskiisu sidaa yihiin, ma kula tahay inuu quruumaha horumaray higsan karo. Dal in badan oo ubixii u kici lahaa sidaa u dayacan yihiin, deegaanka ku xeeranna- wax niyad jabiya mooyee, wax qalbiga u dhisaa ku yar yihiin, miyaa  wax lagu diirsado laga sugayaa. Yaryarkaasi kalgacalkii iyo muxibbadii waalidnimo laga duudsiyey, iyada oo aanu wad ka qaadin, eedeeda ayaa iska  leh. Se khasaaraha halkaa ka dhashaa ma qoyska oo kaliya ayuu ku koobnaan mise bulshada ay qoysaskani qaybta ka yihiin ayaa si wadar ah u fashilmi. Mid ay tahay ba taariikhda ayaa sheegi.
Qallinkii: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
Nayroobi