Addis(,SBN)Golaha dhaqanka Qomiyada Oromada ee Abbaa Gadaha Culimada Diimaha siyaasiyiin iyo Ganacsato kasoo wada Jeeda Qomiyada Oromada, ayaa ku Guuldaraystay dadaal Nabadeed oo ay kadhex wadeen Jabhada OLF iyo xukuumada Abiy Ahmed.

Waxgaradkan oo Labadii Todobaad ee u dambaysay dadaalkooda oo dhan isugu Geeyay sidii ugu Yaraan Xabad Joojin loo kala dhex dhigi lagaa 2-da ciidan ee dagaalamaya, ayaa isu Qaybiyay Goobaha lagu dagaalamayo iyo xarumaha masuuliyiinta ay khusayso ee Labada dhinac.

Warku waxaa uu sheegayaa in madaxwaynaha mamulka Oromadu uu noqday caqabada ugu adag ee kahor-timid Nabad Raadiyayaasha, kaasi oo ku adkaystay in waxa kaliya ee ay Aqbali karaan ay tahay in Jabhadu Hubka dhigto dadkoodana dhinac karaacaan.

Lema Megersa ayaa Odayaasha Abbaa Gadaha iyo Ergoyinka Lasocda kadiiday in marka Hore Xabada Lajoojiyo si ugu Yaraan Fursad loosiiyay Wada-hadal xal waara lagaga Gaadho colaada siyaasadeed ee u dhaxaysa 2-da Urur ee ku Hardamaya Hogaaminta Itobiya.

Dhinaca kale Gudomiyaha Jabhada OLF Da’ud Ibsa ayaa sheegay inaysan Aamini karin mamulka Oromada iyo kan Addis ababa toona, wuxuuna dalbaday in Heshiis kaste oo ay Lagalayaan dawlada Itobiya inuu Garab 3-aad oo dhex dhexaad ahi Joogo si looga baaqsado fashil kale.

Da’ud Ibsa ayaa kudooday in mamulka Itobiya uu Gabi ahaan ba kabaxay Heshiiskii ay Horay u wada Galeen sidaa darteedna ay khasab tahay in lahelo Gacan 3-aad oo Heshiiska Labada dhinac dhex kanoqoto.