Jigjiga(RBN) Laanta socdaalka dalka itoobiya ayaa masuuliyiinta ugu saraysa laantan socdaalku waxay waraysi ay siiyeen waraahinta kala duwan ee dalka ku sheegeen in laanta socdaalka dalku balaadhinayso xarumaha lagu bixiyo baasaaboorka dalka taasi oo ay sheegeen in xarunta deegaanka ee jigjiga sirasmiya dhawaan looga bilaabidoona bixinta baasaabaarka dalka.

Waxaana, xusid mudan in hadda ka hor laga qaadan jiray baasaaboorka dalka magaalooyinka addis-ababa iyo direbadha islamarkaana ay bulshada deegaanka socdaal dheer iyo wakhtibadan ku qaadan jiray sidii ay u qaadan lahaayeen baasaaboorka dalka Balse hadda wixii ka dambeeya si dhibyar kaga qaadandoonaan xarunta deeganka ee jigjiga
Dhinaca dadka dagaanka ayaan inta badan haysan warqadaha aqoonsiga loo yaqaano MUSTAWAQIYE Iyadoo arintaasi jirto ayaa hadana waxaa intii haysatay aqoonsiga dagmooyinka Qaar sida Dharwanaaje,Danbal iyo Awbare laga joojiyay qaadashada Passaboorka kaas oo dad kasoo degaankaas oo u doontay Addis ababa lagu wargaliyay inay waraaq lagaga joojiyay qaadashada baasaboorku kasoo gaadhay madaxda sare er Kililka 5aad taas ku noqotay yaab markay waydiin sobobtana ku gaabsaday madaxda Jijiga waydiiyay Warkasna waxaa noo xaqiiyay masuul lasoo xidhiidhay Shabakada Subulahanews/radioborama