Diridhaba(SBN)Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan ayaa sheegaya in koox  laga diray magaalada Jigjiga si ay wax uga soo qabtaan xaalada murugsan ee kataagan Gobolka Shiniille ee galbeedka kililka 5aad

Kooxdan oo isugu jira wasiiro iyo waliba mid ka mid ah madaxwayne kuxigeenada ayaa gaadhay magaalooyinka Dirdabe, Biki iyo Hadhigala, waxayna isku dayayaan in ay lakulmaan odayaasha iyo cuqaasha Gobolka, si ay iskugu dayaan inay xaalada dajiyaan

Dhamaan shirarka ay kooxdu lagashay Odayaasha ayaa lasheegayaa in ay waji gabax kala kulmeen kadib markay odayaashu si isku mid ah usheegeen in aysan wax hadal ah galaynin ilaa iyo inta laga soo celinayo dhalin yaradii iyo odayaashii laga xidh xidhay Gobolka, waxayna odayaashu fadhiga kaga kaceen kooxdii kasocotay

Intaas kadib kooxdii Jigjiga laga soo diray ayaa lahadlay madaxwaynaha Cabdi Maxamuud, iyagoo usheegay in uu si dag dag ah usoo daayo dadkii xidh xidhnaa hadii kale iyaga hada Gobolka kusugan ay khatar kujiraan iskaba daa xal ay keenaan e, wuxuuna Cabdi balan qaaday in uu dadkaas soodayn doono.

Dhinaca kale kacdoonkii shacabka ee Gobolka Siti ayaa isku xidhmay gude iyo dibadba waxaana dibada kadhacay shirar lagu taageerayo shacabka ree Siti, isla markaana lagaga soo horjeedo maamulka

Wixii war ah ee kasoo kordha arimaha Gobolka Shiniile kala soco Subulahanews