Diridhaba(SBN)Wararka naga soo gaadhaya kacdoonadii shacabku ay kufideen deegaano aad ubadan cusub oo katirsan Kililka

Sida aan lawada soconay kacdoono waawayn oo lagu diidan yahay maamulka Jigjiga ee todobaadkan kasocday Gobolka Shiniile (siti) ee galbeedka waxaanan lasoconay in shacabka ree Shiniile ay  Gobolka kacaydhiyeen Maamulkii inta badan Gobolka.

Kacdoono cusub ayaa laga soo sheegayaa deegaano badan oo  katirsan waxaana kamid ah dhulka ay shalay kacdoonadu kadhaceen Dagmada Awaare ee Gobolka Jarar, Dagaamada Harawo halkaas oo sida lasheegayo ay dibada isugu soobaxeen dadwayne aad ubadan oo kasoo ho jeeda maamulka kililka

Sidoo kale kacdoono shacab oo aad uwayn ayaa shalay kadhacay magaalada Raaso, waxaana lasheegayaa in dadka ree Raaso ay kujiraan abaabul ay doonayaan in ay kaga xoroobaan maamulka Iley oo ay cadho badan u qabeen

Sidoo kale waxaa dibada isugu soobaxay dadka shacabka ah ee kudhaqan magaalada Dhagaxle oo Dagmada Jigjiga katirsan, waxaana lasheegayaa in ciidanka Layuu Police ka looyaqaano ay rasaas kufureen dadkii shacabka ahaa halkaasna oo ay kudhimatay haweenay 75 jir ah oo shacab ah.

Dhinaca kale dhalinta magaalada Dhagaxle ayaa dabqabadsiiyay midkamid ah baabuurtii ay wateen ciidanka Liyuu Boolisku, waxaana lasheegayaa in uu dhamaantii gubtay.

Sidoo kale kacdoon aad uculus ayaa kadhacay magaalada Dirdabe, halkaas oo ciidamadu ay xidheen dhalin yaro aad ubadan oo shacab ah, kuwaas oo xidhnaa funaanado uu kuqoran yahay magaca Raysalwasaaraha cusub ee Itoobiya Dr Aby

Iskusoo wada duub oo kacdoonada shacabka Soomaalida Ethiopia ayaa lagu wadaa in ay kusii fidaan dhamaan dhulka