Diridhaba(SBN)Wararka naga soo gaadhaya gudaha shiniile ayaa waxay sheegayaan in kacdoonkii gobolka shiniile uu wali halkiisii kasii socda ayadoo ciidamo aad ugu badan ku daadiyay magaalooyinka gobolka shiniile oodhan.

Kacdoonka gobolka shiniile ayaa waxaa horkacaya dhalin yarada gobolka shiniile waxana maanta lagu xidh xidhay meesha Lagu magacaabo Afdam dhalin yaro aad u tiro badan kuwaasi oon helay qaar kamida magac yadooda waxaana kamid ah Muuse Kaamil, Mohamud Cali, iyo Mohamed Aadan oo la sheegay inciidamada  Itoobiya ay aad ujidh dileen ayagoo udiiday xataa inuu wax daawo ah lasiiyo

Waxaa dhanka kale guryahooda ugu daateen qaar badan oo kamida dhalin yaradii kacdoonka waday magaalada shiniile ayagoo qaar kamid ah dhalin yaradaas xabsiga u taxaabay.

Iskusoo duuduuboo xaalada gobolka shiniile ayaa waxay wali ku jirtaa jawi kacdoon waxayna ciidamada wadaan sidi ay ku cabudhin lahaayeen shacabka una joojin lahaayeen kacdoonka.

Dhinaca kale warar hada nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in la xidhay laba sargaal oo tigree ah iyo kuwo katirsan ciidamada Liyuu booliska oo la sheegay inay u daateen guryo ay ku tuhun sanaayeen dhalinyrada kacdoonka waday arintasina aad uga cadhaysiisay dawlada dhexe