Nov 19 2018 Hargaysa (SBN) Wargelin Fasax: Xuska Dhalashada Nabigeenii Suubbanaa N.N.K.H

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad la socotaan berito oo Salaasa ah taariikhduna tahay 20-ka November waxa ay ku beegan tahay xuska dhalashada Nabigeenii Suubbanaa ee Maxamed N.N.K.H

Sidaa darteed, guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu iyaga oo dareensan muhiimadda Maalintani u leedahay guud ahaan Shaqaalaha Dawladda , sida oo kalena qiimaynaya in Shaqaalaha Dawladdu helaan fasax sannadeedka ay xaqa u leeyihiin, waxa ay ku wargelinayaan Shaqaalaha Dawladda JSL in maalinta Salaasada oo ku beegan 20/11/2018 ay noqon doonaan maalin fasax halkaas oo Shaqaalaha Dawladdu ka nasan doonnaan maalin hawleedkii shaqo iyada oo shaqada lagu soo laaban doonno maalinta Arbacada ee bishu tahay 21/11/2018

Ugu dambayn, Waxa aan ugu hambalyaynayaa guud ahaan dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaanna shaqaalaha dawladda JSL xuska dhalashada Nebigeennii suubbanaa Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee waxa aanan u rajaynayaa in Sannadka sanadkiisa lagu gaadho guul, gallad iyo gobonimo.

Ku xusa maalintan duco iyo digri kuna cibaadaysta caafimaad Idan Alle

Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda