London(SBN)Wasiirkii Britain u qaabilsanaa ka bixitaanka Midawga Yurub Dominic Raab ayaa maanta is casilay, wuxuuna sheegay in uusan taageeri karin heshiiska ka bixitaanka Britain ee Midawga Yurub.

Theresa May ayaa ku dhawaaqday shalay oo arbaco aheyd in ay heshay taageerada golaha wasiirrada ee heshiiskan cusub, ka dib shan saacadood oo ay shirka kula jirtay.

Qodobada ugu muhiimsan ee uu isu casilay mr. Raab ayuu ku sheegay sida heshiiska loogu dhigay arrinka Waqooyiga Irland oo uu ku tilmaamay mid wax u dhimi karta qaranimada iyo wadairka Britain, waxa kale oo uu in Midowga Yurub uu heshiiskani awood u siinayo in ay naga hor-istaagto in aan ka baxno daladda Midowga Yurub.

Wasiirkan ayaa soo saaray warqad uu ku sharxayo is-casilaadiisa, waxaana uu isku dayay in uu fahamsiiyo ra`iisal wasaarihiisa Theresa May.

Theresa May ayaa la rumeysan yahay in ay rabto in ay Britain “kusii hayso” Midowga Yurub, waana wasiirkii labaad oo jagadaasi iska casila mudo bilooyin gudeheead ah.

David Davis ayaa is-casilaadda kaga horreeyay wasiirka maanta xilka iska casilay.