Doodda saamiqaybsiga golaha barlaamanka somaliland.
waxan qoraalkan qoray 2015 ,,markaas oo socotay doodda samiqaybsigu goluhu.waxana maqaalkaas akhristay wakhtigaas 65000(65 kun) oo qof muddo 24 sacadood.haddaba imikana arintii saddex sano kadib ayaa soo noqotay oo aan weli xal loo haynin.waxana uu maqaalkani ku tusinayaa sida gobolada galbeedku u lumiyeen saamigii kuraasta wakhtigii gumaysiga.ka bogo maqaalkan mar kale

Haddaba bal tariikhdii 1960 aan dib ugu noqono iyo Ingiriiskii ,,, haddaba 1960 ka hor dhinaca galbeedka waxa jiray Saddex district oo kala ahaa district Borama ,Disrict Awbarre iyo District Saylac ,, wax yar ka hor xoriyadii 1954 waxa uu Ingiriisku bixiyey oo uu Ethopia siiyey dhulkii la odhan jiray Reserve Area oo ahaa Awbare district. ka dibna waxa Saylac ayu ka qaaday full Disrict oo ku dhigay Sub-disrtict hoos yimadda Borama District.Saddexdii district ee galbeedka waxa ka soo hadhay 1960 xoriyadii ,,kaliya District Borama .
halkaa wax ku soo hadhay Somaliland 6 District saddex beesha dhexe ayaa iska leh oo kala ah Hargaysa ,Burco iyo Berbera iyo laba district oo bari ah Laascaanood iyo ceerigaabo iyo Borama ,,,,lixdii district ayaa ingiriisku ku qaybiyey 33 kii kursi ee barlamaanka doorashadii 1960 ee Somaliland.halkaa waxa sad bursi ku helay dabcan beesha dhexe oo Saddex district ku helay saamigii ,,halka Saadexdii district ee Galbeedka uu Ingiriisku baabiiyey xoriyaddi ka hor dhowr sano.
2005 Markii doorashadii barlamaanka Somaliland waxa dib loogu noqday qaabkii 1960 oo ahayd qaabkii ay beesha dhexe ugu caano badinaysay,,Inkastoo ay Reer Awdal ay ka soo horjeesteen hadana Ina Rayaale arinka wuu marsiiyey isagoo cagajuglayn iyo xadhig intaba ugu hanjabay odayashii iyo dadweynuhii arinka ka soo horjeestay.Ugu dambaystiina waxa uu ku beer laxaowsaday in xeerkaasi doorashadan oo kaliya lagu galo oo maxkamaduna ay sharci ka soo saartay inan doorasho dambe lagu geli Karin xeerkaas
sidaas ayaa Reer Awdal ku galeen doorashadii ayna ku qaateen 13 kursi.
2015 toban sano siyaasiiyiinta beesha dhexe sida doodaas ka muuqatay dawlad iyo mucaaridba waxa ka go,aan in isla sidii hore ee 1960 lagu galo doorashada iyadoo aan ahayn sharci oo maxkamadu xukuntay inaan mar dambe xeerkaas 1960 aan doorasho lagu gelin.Sidoo kalena Reer Awdal ,Sool iyo Sanaag na waxa ka go,aan doorashada soo ee barlamaanka lagu gelin qaabkii hore ee ku salaysnaa 1960.

Maxa Xal ah mar hadii halkaa la kala taaganyahay,,,

Waxa xal ah aniga sida ay ila tahay laba arimood mar hadaan tirakoob la haynin.
1-In lagu saleeyo tirada gobolada Somaliland shanti Gobol ee woqooyiga ee dawladii ugu dambaysay ee somaliyeed oo kala ah
Awdal ,Hargaysa, Burco ,Sanaag iyo sool oo si isleeg loogu qaybiyo tirada gobolada iyadoo tirada barlamaankana la kordhiyo oo laga dhigo 100 xubnood si gobol waliba u helo 25 xubnood si isleeg maa daama aan tiro la hayn.

2- Hadii lagu noqdo 1960 ,,waa in Disrtict Saylac uu helo 10 xubnood sida Berbera ,,,waayo Berbera iyo Saylac waxay ahaayeen labada district ee jiray markii ingiriisku uu yimid dhulkeenna 1884,,,ma jirin wakhtigaas degmooyin kale sida Borama ,Hargaysa ,burco Ceerigaabo ,iyo Laascanod ,,,dhamaan degmooyinkas waxa samaysmeen qarnigii 20 aad awelkiisii 1910-1920 s.
Haddaba in Berbera ay hesho 5 kursi Saylacna Borama lagu daro ,,maaha wax la yeeli karo sidii doorashadii 1960 ingiriisku sameeyey.
3-In loo qaybsado tirada barlamaanka 50% beesha dhexe iyo 50% beelaha Darifyada (USP) beesha Gabooye tiro goan la siiyo.

Taariikhda Saylac wakhtigii ingiriisku yimid 1884.

1884 markii ingiriisku dhulkeena yimid Saylac waxay ahayd xaruntii ama caasimadii maamulkii Turkiga ee dhulkeena ka talinayey ,ka dibna maamulki Masaarida ee ingiriiska ka horeeyey ayey caasimad u ahayd ,,,marki uu ingiriisku yimidayna waxay noqotay caasimadda maamulkiia ingiriiska ,,,Major Hunter oo aha the governor of Somaliland Protectorate Saylac ayuu fadhiyey oo uu kula saxeexday heshiisyadii qabailka somaliyeed iyo ingiriiska(Anglo -Somali treaties). Governor Godfray Archer(Caarshe dheere lo yiqiin) Saylac ayuu fadhigiisu ahaa ilaa 1920 s…ka dib ayuu usoo Wareegay Sheekh oo ahayd meel aad u qabaow.
Ingiriisisku wixii ka dambeeyey 1920 s ayuu hadana usoo wareejiyey Hargaysa xaruntii oo wakhtigaa magaalo noqotay sida degmooyinka kale ee borama,Burco iyo laascanood. Haddaba Saylac oo ahayd Xaruntii Halganki Axmed Guray iyo Taleex oo ahayd Xaruntii halganki Sayid Maxamed Cabdille Xasan ingiriisku labadaba waa uu baabiiyey.Haddaba Reer Awdal iyo sool oo ku abtirsada labada xarumood ee Gumaystihii ingiriisku baabiiyey in mantana tii ingiriiska oo tegay aan qaadano ma dhici karto.Doodda manta Hargaysa ka dhacaysay iyo maamulka ka jiraana waxa uu salaysan yahay tariikhdaas gumaysiga oo ragna ay biyaha iyo caanaha daba sideen Gaalka ,,,ragna halgan adag la galeen.

District of Awbare Reserve Area..
Waxan hore idiin ku soo sheegay in dhinaca Galbeedka Somaliland ay jireen Saddex district dhowr sano ka hor xoriyadii ,,hase yeeshe 1960 ay ku soo hadhay hal degmo oo noqotay degmada kaliya aan saamigeenna ku qadano Borama ,,,halka beesha dhexe ay saddex degmo ay qayb ku helaan.Arinkaas oo Ingiriisku ka shaqeeyey xoriyadda ka hor ilaa maantana taagan.
bal haddaba si ad ugu bogataan dareeenki iyo xaaladii wakhtigaa oo lama filaan ku noqotay shacbigii deganaa District of Aw bare in laga jaray Somaliland oo la raaciyey Ethopia warqad ay u qoreen Gumaystihi Ingiriiska ayan wax yar idiinka soo gudbin ..si aad u fahamtaan sida: Mar kaliya ayan degmo kale aan u luminay Awbare Disrtict after Saylac DISTRICT oo wax weyn ka bedelay the Balance of power of Somaliland in 1960. qoraalkan oo dheer ayan wax yar idiin soo gudbin.

British Military Administration Reserved Area of Aw barre 26 October 1954.
Her Britannic Majesty s principal secretary of State for colonies London UK.
Her Britannic Majesty’s Ambassador British Legation Addis-Ababa Ethiopia
Through: His Excellency the governor of Somaliland protectorate ,Hargaysa.

People of reserve Area of Awbareh Disrtict.
We the people of aw barre Disrtict as represented by the signatures are requesting the British Central Government to annex our country to Somaliland protectorate. For infact we are one with the protectorate According to the treaty (1884-1886)
The treaty which was between Gadabuursi and British put us under British Protection and at same time guaranteed our Independence.
Just like a tree having its trunks on protectorate Soil and its Branches stretching to the side of country now Known as reserved area of Aw barrreh ,which cannot be separated just so are our people s condition. Its for this reason that we in fact are and wish to be one with our people of the protectorate.

Halkaas qoraalkaas waxa kaaga cad in hal district AW BARREH oo u dhigma Awdal ,, BORAMA an halkaas ku weynay wax yar ka hor xoriyadda iyagoo si walba iskugu dayey in ay walaalahood ay xoriyadda la qataan oo la mid noqdaan Somaliland protectorate.sidaa awgeed tariikhdiina ku dagaal gala oo ha yeelina waxa ingiriiska iyo gumaystayaashii sameeyeenn ee rag ay ka dhigteen inay ku sad bursadan.

Mohamed Dhiirane