Borama(SBN)Xukuumada Somaliland ee u hogaamiye kornay Muuse ayaa mudadii ay talada dalka haysay la tacaalaysay,sixir barar,isku shaandhayn aan dhamaad lahayn iyo ceeryaamo colaadeed oo ka soo noq noqday bariga Somaliland ,dagaal ay la gashay puntland oo halkii ugu saraysa gaadhay iyo kornayl muuse oo dagaal afka ah ku qaaday dawlada federalka somalia ,isagoo si dadban u duray heshiiska ethiopia iyo ereteria.
dadka siyaasadada odorosa ayaa ka sii faallooday markii dorashada ka socotay Somaliland waxa dhici Kara hadii xisbiga KULMIYE ee u hogaaminaaye Kornayl Muuse Biixi guulaysto.
Marka laga yimaado durufaha qalafsan ee gudaha dalka ka jira ,waxaa dadbadani naanays uga dhigeen Madaxwaynaha dalka.MUUSE HANDARAAB,kaasi oo looga jeedo,hadalkiisi ahaa dalka dhinac walba waan ka xidhayna.
Wiigi lasoo dhaafay waxaa magaalada hargaysa looga yeedhay wakiilkil dalkaasi Ethiopia u fadhiyeh hargaysa arinta oo lagu xidhiidhiyey isbadalka siyaasadada ee ka bilawday mandaqada geeska,warkan ayaa lagu sheegay inuu ka dambeeyey kadib markii magaalada bahar dhaar ee gobolka amxaarada ay ku kulmeen sadexda Madaxwaye ee Somalia,Ethiopia iyo ereteia kaasi oo waxyaalhii lagaga hadlay ay ugu waynay in la ilaaliyo midnimada iyo isku duubnida Somalia lagana xidhiidho dawlada federalka.
Arintan ayaa aad uga cadhaysiisay Kornayl Muuse iyo maamulkiisa taasi oo keentay in Madaxwaye Muuse qudbad ay ka muuqatay cadho iyo xamaasad ka jeediyey magaalada burco mar u la hadlaayey dad halkaasi ku soo dhaweeyey.
Xidhiidho kbdhexeeyey Somaliland iyo dalkaasi Djibouti ayaa gaabis badan ku yimid taniyo markaa Shirkada DWP world maalgashi ku samaysay dakada Berbera Isla markaa isku dhac ka yimid dhanka jibouti.
Xidhiidho Somaliland iyo dawlada federalka ayaa maraaya halkii ugu hoosaysya taniyo intii Somaliland lagu dhawaaqay,Isla markaa puntland ayaa ku dhawaaqay in Muuse colaad cusub ka bilaa ayo degaanka tuko raq.
Isku soo wada duubo waxaad moodaa xaalada siyaasada arimaha dibada Somaliland in ay gashay marxalad cusub iyadoo Madaxwaye Muuse u dhawaan magacaabay Wasiir arimo dibadeed oo cusub.
Faalada subulaha.com