Moqdisho (Ilays-News):-  Yuusuf Garaad Axmed Wasiirkii hore ee wasaarda arimaha dibada dalka Somaliya ayaa waxaa uu   farta uu ku fiiqay dariiq uu sheegay in Somaliland ay si fudud  Ictiraaf uga heli karto beesha Caalamka waxaana uu sidaas ku sheegay qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook waxaana uu ku bilaabay

“ Soomaalida oo dhan, marka Djibouti laga reebo, waxaa ugu yaraan midkiiba mar gumeystay Ingiriiska*. Marka laga reebo Soomaalida Kenya oo 1963 xornimada la qaadatay Kenya inteeda kale, wuxuu ugu dambeeyay Somaliland oo uu ka baxay 26 Juun 1960.

Gobolka Soomaalida Kenya, markii uu Ingiriisku ku daray Kenya, Soomaaliya waxay Ingiriiska u jartay xiriirka Diblomaasi oo safaaraddiisii waa laga saaray Muqdisho.

Soomaali kaliya ma ahan ee Boqortooyada Ingiriiska xilligii gumeysiga waxaa lagu tilmaamay Boqortooyada aan calankeeda cadceeddu u dhicin.

Waayo?

Boqortooyada Ingiriiska marka waddankeeda ay qorraxdu u dhacdo oo calanka la dejiyo, waxaa calankeedu saarnaa oo uu ka babbanayay dal ay gumeysato oo dhaca cirif kale oo caalamka ah oo maalin jooga.

Boqortooyadii ay awooddeedu caynkaa ahayd, haddana xubin joogta ah ka ah Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa si aan mugdi ku jirin uu shacabkeeda inta badani afti caadyaal ah ku go’aansaday in uu ka baxo Midowga Yurub.

Ka bixitaanka Yurub oo uu go’aankeeda Shacabka Ingiriisku qaatay, Yurubna ay aqbalsan tahay, ayaa keliya sidii kala baxaasi u dhici lahaa waxaa laga furay wadahadal maaratoon noqday welina aan dhammaan oo u dhexeeya Yurub iyo Ingiriiska. Wadahadalkaas oo loo bixiyay Brexit weli ma dhammaan.

Midowga Soomaaliya waa ka fac weyn yahay, kana qoto dheer yahay Midowga Yurub, waayo Yurub iyadu ma ahan dal qura oo leh hal hoggaamiye.

 

Markaa, Somaliland haddii ay dooneyso in ay ka baxdo Midowga ay kula jirto Soomaaliya inteeda kale, waanan ogahay in ay dad aad u badan oo reer Somaliland ahi ay sidaa ku taamayaan, wadiiqada ugu habboon, ugu sharciyeysan, ugu nabadgelyada badan, uguna ilbaxsan waa in ay taa ku gaarto wadahadal ay la gasho dalka intiisa kale oo cidda qaanuun ahaan u matashaa ay tahay Dowladda Federaalka.

Wadahadalkaas oo mabda’ ahaan socda, laga soo billaabo June 2012 markii uu ku curtay Chevening, oo ah hoyga nasashada Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, oo ku taal meel aan ka fogeyn London, oo aniga oo suxufi ah aan goobjoog u ahaa iyo dhowr jeer oo aniga oo ergay metalaya Soomaaliya ah aan uga qeyb qaatay Djibouti iyo Istanbul, waan ogahay in uu yahay gaabis diinku ka dheereeyo.

Haddana Somaliland waxaa la gudboon in ay wadahadalkaa dardar hor leh geliso si uu natiijo u dhalo. Ogow natiijadu waxay noqon kartaa midow lagu qanacsan yahay ama kala go’ la isla qaatay. Wixii ay labada dhinac isla qaataan, ma jirto Dowlad ama Urur is-hor taagi kara.

Sidoo kale ayaan u soo jeedinayaa Dowladda Soomaaliya in ay u aragto qaddiyadda Somaliland oo dhul ahaan iyo dad ahaanba aan la xaqiri karin in ay leedahay mudnaanta koowaad si uu dalku isu raaco ama iyada oo raalli la isaga yahay fagaare loogu kala faataxeysto.

Hadalkeygu jawaab uma aha mowqifka uu qaatay Madaxweyne Muuse Biixi oo dhowaan Burco hadal ka jeediyay, laakiin waa aragtideyda shakhsiga ah