muqaalkani ma aha salaantii dadka indho-yarta ah laakiin waa hab-dhaqanka siyaasiinta u igman fikradaha shisheeye (Political Puppets), Gumaysigii dadbanaa ee Zenawism ku waxa uu soomali guud ahaanteed kala dagaalamay hogaaminta toggan iyo aragtiyaha siyaasada, waxa uuna gacanta inoo galiyay siyaasiin ma-diidaysan oo ka madhan aragti siyaasadeed laguna garto laba astaamood oo kala ah (Kalsooni darro iyo Kursi jacayl) kalsooni kuma qabaan inay shacabka kasban karaan taageeradooda laakiin kursiga jacaylkiisu waa riyada kaliya ee ay la nool yihiin, halku-dhigooduna waa (KURSIGA I SAAR IYO IGU ILAALI). Sannad kadib,hadii xubigii iyo xamaasadii ololahii doorashada ee salka ku hayay qabiilku uu maskaxdaada ka baxay, bal aan laba dhacdo oo tusaale u noqon kara halku-dhigoodaa aan ka soo qabano xusuus qorkeena siyaasada:

Bishii May 31th 20011, Muusi biixi oo ah gudoomiyaha kulmiye waxa uu ka qayb galay sanad guuradii 21 aad ee xoraynta qowmiyadaha itoobiya ka dib markii u martiqaad rasmiya ka helay hogaamiye Zenawi. Siyaasiyan Madaxweyne siilaanyo iyo Zenawi iskuma Sal banaana, Siilaanyo waxa uu ku foognaa dhamaystirka tubtii dowlad Rasmiya (Soomaaliya) si loo furo wada-hadalkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay Somaaliya iyo soomalilaan, halka Zenawi ku kali noqday fikirkii qayb-qaybsanka ee laga soo dheegtay waddamada baalkaniska (Balkanization). Isla maalinkii muuse biixi dalka ku soo laabtay oo ku beegnayd june 8th 2011 siilaanyo waxa uu deg-deg u faray Gudidii ka soo talo bixinta ururada siyaasada inay ku dhawaaqaan natiijadii ra’yi ururinta ahayd (Waxay ahayd jawaab siyaasadeed). Dhamaan siyaasiyiintii damaca lahayd farxad ku soo dhawee natiijadii Gudidda, laakiin damashaadkii iyo soo dhawayntii muuse biixi waxa uu isku badalay geeri siyaasadeed. Ergo iyo baryo ka dib madaxweyne siilaanyo waxaa lagu qanciyay inuu xisbiga kulmiye badbaadiyo!!!!!!

Bishii November 2017, markii rabshahadii ka dhashay murankii natiijada doorashadu ka dhaceen magaalooyinka Hargaysa iyo Burco dowlada turkigu waxay magaalada hargaysa u soo direen cidaan kooban oo ay ugu talo galeen in hadii xaaladu sii xumaato ay sugaan amniga qunsuliyada dowladda turkigu ku leedahay magaalada hargaysa iyaga oo ogeysiin siiyay madaxweyne Siilaanyo, Muuse Biixi markii uu maqlay ciidankaa kooban waxa uu qoraal dacwad ah gaadhsiiyay basaaskii safiirka sheegan jiray ee hargaysa u joogay dowladda Itoobiya. Dacwadaa oo ka dhan ahayd xisbiga Waddani iyo taageerayaahiisa sidii talaabo looga qaadi lahaa. Hadii aanu Xisbiga Waddani tanaasulin toloow maxaa dhici lahaa !!!!!!!!!!

AYAX TAG, EEL SE REEB